iskuulladaWararka

Falcelinta Laga Bixiyay In Iskuulka ‘Sheekh Xasan Barsane’ Loo Bedelo Xarunta Wakaladda Dhismaha iyo Horumarinta Qaranka


Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed “ Sheekh Xasan Barsane“ oo noolaa ( 1853 – 1927 ), ayaa waxa uu ka mid yahay halyeeyadii  gumeystahii Taliyaana la diriray ee taariikhda dalka ku galay kaalintii uu ku lahaa gumeysi la dirirka, iskuul loogu magac daray si loogu xasuusto ayaa dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in loo bedelay wakaaladda dhismaha iyo horumarinta Soomaaliyeed, arrintaas oo keentay in falcelinno kala duwan ay kasoo baxaan oo arrintaa looga soo horjeedo maadaama ay  u muuqato in la daboolayo taariikhda aan qarsoomeyn oo mugga iyo miisaanka leh oo sheikh Xasan Barsane uu lahaa.

Aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo sanatarro ayaa arrintaa ka dhiidhiyay kuna eedeeyay xukuumadda Nabad iyo Nolol iney qaadday tallaabo ay halyeeyadii dalka qaarkood ay ku xaqirayso, kuwo kalena ay taallooyinkoodii dib ugu soo cusbooneysiisayay.

Ex-Xildhibaan Cabdiraxmaan Macallin Cali oo Goobjoog Wareysi Gaar ah siiyay ayaa ka warramay sida uu uga soo horjeedo in iskuulka Sheekh Xasan Barsane loo bedelo xarunta dhisamaha qaran, wareysigiisa oo dhammeystiran halkan hoose ka daawo:

Goobjoog Edu

Related Articles

Close