Wararka

Mowqif Bani’aadamnimo… Macallin Ku Taburacay Kalidiisa Si uu u Caawi Arday Dhibaateysan


Mowqif bani’aadamnimo oo aad u qiiro badan, macallin ayaa ku tabarucay kallidiisa uguna tabarucay arday; gobolka Jaasaan si uu noloshiisa u badbaadiyo, kadib markii uu sannooyin la dhibaatoonayay kalyaha oo fadhiistay.

Sida ay faafisay jariidada “Tawaasul” ee dalka Sucuudiga, Muciid Majrabi ayaa jariidada u sheegay in wuul uu dhalay walaalkii Axmed bin Cali Axmed Majrabi oo ah arday dhigta fasalka 9aad, uu in muddo ah la dhibaatoonayay kalyo xanuun ay kalyuhu fadhiisteen.

Majrabi waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, in walaalkii uu ku maqan yaahy dalka Mareykanka oo uu ku daweynay-o halkaas gabar 8 jir ah oo sida wiilkan oo kale kalyihu ay ka fadhiisteen.

Aabahan ayaa waxaa u suurtageli weyday inuu xaalka wiilkiisa la socdo, waxa uu uga tagay qoyska iyo qaraabadiisa si ay xaaladiisa ula socdaan oo ay u geeyaan isbitaallada takhasusiga ah isla markaana loo raadiyo qof  kallidiisa ugu tabaruca.

Adeerkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan taleefoon ka helay macallin Xasan bin Maxmed Xasan Gawami, oo saaxiib la ahaa aabaha wiilkan jirran, isagoo noo sheegay inuu ugu tabarucay kallidiisa oo Axmed lagu wareejinayo.”

Adeerkan ayaa waxa uu hadalkiisa ku daray: “waxaa lagu sameeyay baaritaanno caafimaad oo labadii bilood ee lasoo dhaafay lagu waday, waxaa caddaatay iney jiraan is waafaqsanaan oo nooca kallidu ay tahay tii uu bukaanku u baahnaa.”

Macallinkan ayaa waxaa uu sameeyay ficil ku dayasho mudan, ardaygan waxa uu ula dhaqmay sida inuu aabihii yahay oo kale.

Si kastaba, ardayga iyo macallinka ayaa kormeer caafimaad lagu hayaa, si ay dhakhaatiirtu ula socdaan xaaladooda in muddo ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close