Uncategorized

Sucuudiga Oo Karantiil Geliyay Xaramka Makka.. Gebi Ahaanba Albaabada u Laabtay Saxanka Dawaafka Kacbada


Dowladda Sucuudiga ayaa xirtay gebi ahaanba saxanka dawaafka kacbada sharafta leh mudada cumrada oo snadkan la baajiyay, tallaabo looga golleeyahay in lagu nadiifiyo laguna karaantiilo Kacbada Sharafta leh, si looga dhowrsado fayraska Corona oo dadka uu ku dhacayaa ay sii kordhayaan daafaha kala duwan ee dunida.

Mus’uul ka tirsan maamulka Xaram iyo masjidka Rasuulka(S.C), ayaa caddeeyay in tallaaboyinkan ka hortagga leh ee waaxda caafimaadku ay ku taliyeen  ay muhiimad weyn u leedahay si loo dhowro nidaamka masaajidka xurmada leh si loo hor-is-taago in cudurku uu ku faafo, labada xaram ayaa albaabada loo xirayaa marka ay salaadda cishaa’i la tukado saacad kadib waxaana la furayaa inta aan salaadda Subax la gelin saacad ka hor.

Halka saxanka lagu dawaafo gebi ahaanba la xirayo iyo goobta socdaalka safa iyo marwa, mudada cimrada ay xayiraaddu saaran tahay, salaaddana waxaa lagu tukan doonaa gudaha masaajidka oo qura.

Go’aankan ayaa waxa uu si isku mid ah u saameynayaa muwaadiniinta iyo dadka daggan Makka, iyadoo aan la ogoleyn in xaramka la galo iyo barxadaha ku hareeraysan. Sidaas oo kale waxaan la ogoleyn in lagu ictikaafo ama gudaha xaramka la seexdo, cunnooyin iyo cabitaan gudaha lasoo geliyo, halka sidoo kale la xiri doono ilaha biyaha Zamzamka laga cabbo.

Wararku waxey intaa ku darayaan in la xirayo masaajidkii hore ee Xaramka Nabiga ee sharafta badan oo uu ku jiro Qabirga Rasuulka(S.C.W) iyo qubuuraha baqiic oo saaxaabo badan ay ku aasan yihiin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close