Uncategorized

Dhakhtar Bukaan Iyo Qorrax.. Qisada Sawirka “Corona” Ee Baraha Bulshada Gilgilay


Dhakhtar iyo bukaan ku sugan waddooyinka, sawir u muuqday mid yaab badan, laakiin aad ugu faafay baraha bulshada, yidiidiilona geliyay quluubta bukaan badan ee fayraska la dhibaateysan gudaha Shiinaha, hadaba maxey tahay qisada sawirkan?

Sawirkan waxaa ku kulmay dhakhtar ku labisan dharka fayraska looga gaashaanto, waxaa garab jooga bukaan sariir saran, labadooduba waxey gacanta ku tilmaamayaan qorraxda xilli ay sii dhacaysay, iyagoo jooga barxadda isbitaal ku taalla magaalada Wohan oo ah bu’da Corona ee dhex bartamaha dalka Shiinaha.

Sawirkan waxaa la qaaday 5 Marso, waxaa lagu dhex qaaday Isbitaalka jaamacadda Wohan, waa sida uu sheegay websiteka Shacabka ee dalka Shiinaha, dad badan ayaa sawirka aad u bogaadiyay, maadama uu ka tarjumayo yididiilo iyadoo ay jirto in dhibaato laga dareemayo daafaha kala duwan ee dunida oo fayrasku uu sabab u yahay.

Dhakhtarta sawirka ka muuqda oo la yiraahdo “Liyo Kay”, ayaa waxa uu warinayaan qeyb faahfaahinta sawirka ka mid ah, waxa uu tilmaamay in sawirka la qaaday waqti uu daryeel u fidinayay bukaan, iyadoo  qof kale oo mutadawac ahna uu garab siinayay, bukananka ayaa waxa uu la dhibaatoonayay caabuq dhanka sambabaha oo aad u daran, waxaana loo waday si raajo loo saaro oo dhismo kale oo isbitaalka ka tirsan ayaa loo waday.

Markii dib loogu soo laabtay qeybtii uu bukaanka(87 jir ah) uu jiiday, ayaa waxaa dhakhtarka soojiitay muuqaalka dahabiga ah ee qorrax dhaca, markaas ayuu bukaaanka weydiiyay inuu qorraxda ku yara nagaadaan.

Saddexdoodii, dhakhtarta, qof caawinayay iyo bukaanka ilbiriqsiyo ayey qorraxda ku diirsadeen, qofkii caawinayay ayaa ka faa’idaysatay fursada markaas ayuu sawir ka qaaday Labadooda oo uu la socday.

Dhakhtarku waxa uu tilmaamay inuu fursad u helay inuu qorrax dhaca arko oo muddo dheer ay ugu dambeyay, waxa uu intaa ku daray: “ Markii aan imid Wohan, xilli hore ayaan ka noqonayay gurigeygana waxaan gaarayay xilli dambe, waxaana aad u koobneyd inaad qorraxba arko.”

Dhakhtarkani ma aanuu fileyn in sawirkan uu dhalin doono falcelinta uu sameeyay ee baaxadda leh, dhakhtarkan ayaa Wohan soo gaaray 7 February, isagoo qeyb ka ahaa dadaallada lagu xakameynayo cudurka Corona.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close