Wararka

Si ka Duwan Waxa Aan Ognahay.. Waxaa la Daahrogay Calaamado Cusub oo Lagu Garto Corona


Si ka duwan calamadihii hore loogu yaqaannay fayraska Corona, sida heerkulka jirka oo sare ukaca, hargab iyo dhuunta oo qofka qalasha, dhakhaatiirtu waxey daahrogeen astaamo kale oo cudurkan lagu garan karo.

Dhakhtar dalka Inigriiska u dhashay oo ku takhasusay cudurrada dhuunta iyo neefmareenka oo la yiraahdo, Rermal Momar, ayaa u sheegay SKY news calaamado cusub oo lagu garankaro COVID-19, waxaa ka mid ah; inuu qofku waayo labada dareemo ee dhadhanka iyo urta, iney tilmaan u tahay inuu ku dhacay fayraska Corona.

Astaamihii hore ee cudurka loogu yaqaannay waxaa ka mid ah, xumad ama qandho, hargab, neef qabati, iyo inuu qofku daal iyo burbur dareemo, calaamadahaa kuma aaney jirin inuu qofku waayo dareenka dhadhanka iyo urta.

Laakiin dhakhtar Kumaar, waxa uu yiri; “Bukaanka is arka inuu lumiyay dareenka dhadhanka iyo urta, waxaa dhici karta inuu qabo fayraska Covid-19.”.

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Waxaa dhici karta in bukaanku ay isku arki waayaan hargab iyo qandhada cudurka lagu yaqaanno. Sidaa darteed; dadka is arka inaaney waxba uruneyn ama aaney cuntadu u dhadhameyn waa iney is karantiilaan oo ay dadka ka dhex baxaan si aaney cudurka u faafin.”

Waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeya: “Tani waa calaamado cusub oo muujinaya in qofku uu qabo fayraska Corona.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close