Uncategorized

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Jacaylku Leeyahay


Waxaa jira faa’iidooyin farabadan oo jacaylku leeyahay, waxaa ka mid ah in cimriga kuugu barakoobo, dareenka qofka uu ku hagaaga iyo faa’iidooyin kale oo farabadan, waa sida uu qoray websiteka “Time” oo soo bandhigay faa’iidooyin caafimaad oo jacaylku leeyahay.

  1. Jacaylku waxa uu kaa dhigaa qof faraxsan.

Marka uu qofku jacayl qaado, waxaa sare u kaca maadada ‘Dobaamin’ oo ah maaddo kiimikeed oo maskaxdu ay soo dayso, maadadan waxey hagaajisa dareenka qofka waxeyna ka dhigtaa qof si wanaagsan u fakara marwalbana faraxsan.

  • Daalka ayuu khafiifiyaa

Qofku marka uu dareemo inuu ku dhex jiro xiriir xasilloon oo kalsoonni leh, arrintaasi waxey ku garabsiineysaa inuu hoos u dhaco heerka daalka uu qofku dareemo, waxaa hoos u dhaca heerka Kortisolka iyo Adrinaaliin, waxaana qofku noqonayaa qof dheerri tiran oo daalku uu ku yar yahay.

  • Welwelka oo ka yaraada

Daraasadaha qaar waxey sheegayaan in qofku marka uu kalinimo dareemo ay arrintaasi u keenayso dhibaato caafimaad iyo caabuqyo kala duwan oo qofku inuu welwelo u horseeda, maxaa yeelay; jirku waxa uu soo saaraa Kortisolka iyo Adrinaaliin farabadan oo welwelka  ku kordhiya., laakiin marka uu qofku jacayl dareemo waxaa ka fududaanaya dareenka welwelka.

  • Naftaada ayaad ku dadaashaa

Qofku marka uu jacayl dareemo waxey keenaysaa inuu ubaqo lamaanihiisa, sidaa darteed, waxa uu ku dadaalayaa dhinac walbaa dhinaca kale inuu caafimaadkiisa ilaaliyo oo uu ka taxadaro.

  • Jacaylku waxa uu qofka ku taageeraa inuu cimrigiisu u barakoobo

Daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in lamaanayaasha wada nool ay ka cimri dheer yihiin kuwa asaagooda ah ee kalinimada ku nool, arrintaas oo ka dhigan in lamaanayaashu ay helaan taageero dhanka dareenka ah iyo qof caafimaadkiida ka taxadara oo ka welwela.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close