Uncategorized

Jacaylku Waa Indho La’aan.. Sheeko Ka Hadleysa Lamaane Indhaha Naafo Ka Ah oo Si Weyn Isku Jecel


Waxey yirhaadeen “Jacaylku indho ma laha”, laakiin waxaa is weydiin leh maxaa dhacaya marka uu ku dhaco lamaane indhaha naafo ka ah.

Jacaylkan waa uu ka duwan yahay jacayllada kale kuma tiirsana qurux maaddi ah, waa jacayl muuqaalka iyo aragtida dhaafsiisan.

Sheekadani waxey ka warrameysaa lamaane la kala yiraahdo Diibaak Yaadaaf iyo Artii Shooraasiya, oo 21 jir ah, arrinta la yaabka leh ayaa ah in lamaanahani ay isku barteen Facebook-ga!.

Diibak waxa uu sheegay in mobilkoodu uu leeyahay App u saamaxaya qofka indhoolaha ah inuu la socdo xisaabta uu ku leeyahay baraha bulshada oo oraah loogu bedelayo qoraalka.

Dibak waxa uu sheegay in wadahadalkoodii ugu horreeyay uu ahaa 31 July, waxa uu sheegay in wadahadalku uu qaatay 90-daqiiqo.

Diibak waxa uu sheegayaa in xilligan la joogo ay jacaylkooda ka qariyaan qoyskooda maadama ay qoysaskoodu dhaqan adag yihiin, aabihihiina uu u sheegay in xilligan wax xiriir ah ka fogaado si uu waxbarashadiisa u dhammeystirto, hadhow ayaad waqti fiican u heli doontaa xiriirka iyo arrimihiisa, dadaalkaaaga geli waxbarashadaada iyo shaqada.”

Artii iyadu waxey sheegtay in qoyskeeda intooda badan ay xiriirka ogyihiin, marka laga reebo aabaheed.

Lamaanahan ayaa rajeynaya in xiriirkoodu uu noqdo mid shaac baxsan oo qoysku ay si wanaagsan u ogaadaan , maadama marka ay warkooda saxaafaddu baahiso cadaadiska dhanka qoysku uu ka fududaanayo, isla markaana ay isguursan doonaan marka labadooda midkood uu helo shaqo ay nolol maalmeedka ka dabaraan.

Si  kastaba, lamaanahan waxey ku sifoobeen oraahda ah “Jacaylku indho ma laha, waxey sheegaan iney dabeecado badan iskaga mid yihiin oo ay wadaagaan.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close