Uncategorized

Sideen U Joojin Karnaa Faafinta Xogta Marinhabaabinta Ah Ee Ku Saabsan Covid-19


Warbixinta khaldan ee ku saabsan Coronavirus ayaa qabsaday internet-ka khubarrada ayaana ugu baaqaya bulshada iney ka digtoonaadaan arrintaas khatarteeda leh oo abuuri karta baqdin farabadan oo aan loo baahneyn oo saameyn taban ku yeelata bulshada.

1. Ka Fakar
Waxaad rabtaa inaad qoyskaaga iyo saaxiibbadaa ka caawiso inay xog-ogaal noqdaan. Sidaas daraaddeed marka aad hesho xog – kugu soo gaartay email, WhatsApp, Facebook ama Twitter – waxaa laga yaabaa inaad degdeg ugu gudbiso.

Balse khubarrada ayaa sheegay in waxa ugu horreeya ee aad sameyn karto si aad warbixinta khaldan uga digtoonaato ay tahay inaad ka joogsato oo aad fekerto.

Haddii aad ka shakiso, ka yara joogso, kaddibna xaqiiji, Sida wararka beenta ee corona u faafaan

2. Iska hubi isha aad warka ka xiganeyso.
Kahor inta aadan sii gudbin, is weydii su`aalaha aasaasiga ah ee ku saabsan halka ay ka timid warbixinta.

Ka fiirso haddii uu xaalku yahay xog warbixinta ka timid “saaxiibkaa saaxiibkii” ama “deriska qof ay isla shaqeeyaan eeddadey “.

“Ilaha la isku halleyn karo ee xogta laga helo waxaa ka mid ah waaxaha caafimaadka bulshada sida NHS, WHO, ama Xarumaha Xamakeynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee Mareykanka.” Sida ay sheegtay Claire Milne, oo ah tifaftire ku xigeenka ururka xaqiiqo-raadinta ee Full Fact oo fadhigiisu yahay UK.

Khubarradu ma aha kuwo aan khaldamin balse way ka fiican yihiin meelaha kale ee aad xog khaldan ka heli lahayd.

3. Iska ilaali qoraallada uu dareenku ku dheehan yahay
Waa waxyaabaha na cabsi gelin kara, naga xanaajinaya, na walwal gelinaya, amaba na farxad gelin kara kuwa aad u baaha.

Baaqyada degdegga ah ee wax qabasho ayaa loo sameeyaa qaab qofka cabsi gelisa, markaa ka taxadar.

4. Iska ilaali warbixinnada dhinac u janjeera
Ma waxaad qof la wadaageysaa wax aad ogtahay inay run yihiin – ama aad ku raacsan tahay?

Carl Miller, oo ah agaasimaha baaritaanka ee Xarunta falanqeynta Baraha Bulshada ee think tank Demos, ayaa sheegay inaan mar walba jecel nahay inaan dadka la sii wadaagno waxa sii xoojinaya waxa aan aaminsan nahay.

Si kastaba, waxaa muhiim ah inaan ogaanno in xaqiiqdu ay tahay shayga kaliya ee biyo ka ma dhibcaanka ah ee muhiimka ay tahay inaan wadaagno, haddii aadan hubin macluumaadka aad gudbineyso ka joogso isku day inaadan khalkhal gelin bulshada iyo deegaanka aad ku nooshahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close