Uncategorized

Madaxweynaha Taliyaaniga iyo Timo Jaraha.. Khalad Falcelin Ballaaran Ka Dhaliyay Baraha Bushada(Muuqaal)


Madaxweynaha dalka Taliyaaniga Sergio Mattarella, ayaa dhanka baraha bulshada ay dadku aad ugu hiiliyeen kadib markii uu qirtay in aanuu muddo timojare aadin, maadama aaney furneyn ganacsigii aan muhiimka aheyn si loo xakameeyo faafitaanka fayraska Corona.

Xilli uu madaxweynuhu u diyaargaroobayay inuu khudbad shacabka u jeediyo ayaa waxa uu maqlay codka la taliyihiisa, Jiifaani Garaaso, oo ka codsanaya in tilmaha yara toos-toosiyo.

Markii uu timaha yara hagaajiyay ayaa waxa uu yiri: “Jofani.. Aniga xitaa timajaraha ma aadin..”.

Markii khudbaddiisa la diiwaangeliyay, ayaa warbaahinta loo qeybiyay iyadoo aan hadalkaas waxba laga jarin.

Waxaanuu ahaa khalad ka dhacay qasriga Kuwirinali oo ah xarunta madaxtooyada, laakiin warkan ayaa farxadgeliayay dadka internetka isticmaala, baraha bulshada waxaa ku faafay hashtagga ah #Jofani oo si weyn u baahay.

Khudbaddiisan oo ahayd tii labaad ee uu shacabkiisa u jeediyo tan iyo intii uu fayraska Corona ku faafay Taliyaaniga, ayaa waxa uu aad u ammaanay Sergio Mattarella hoggaanka Yurub.

Waxa uu yiri: “Waxaa muhiim ah inaan dhammaanteen fahamno, inta ay goori goor tahay, khatarta uu fayraskani ku yahay Yurub.”

Sergio Mattarella oo 78 jir ah ayaa ah shaqsi miisaan iyo shacbiyad ballaaranna ku leh gudaha Taliyaaniga.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close