Uncategorized

Maxaad Ka Taqaannaa Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dagaalka Corona Safka Hore Kaga Jira Gudaha Talyaaniga?


Dhakhtar Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dhakhaatiirta safka hore uga jirta dagaalka ka dhanka ah Caabuqa Corona oo faraha ba’an ku haya dalka Talyaaniga, wuxuuna BBC-da uga warramay sida ay xaaladdu tahay iyo waxyaabihii uu shakhsi ahaan ula kulmay.

Muddo nus qarni ku dhaw ayuu Dr. Fu’aad Caamir Tarmum ku sugnaa Talyaaniga, isagoo ka shaqeynayay xirfadda caafimaadka.

Laakiin wuxuu noo sheegay in arrimihii caadiga ahaa ay isbaddaleen markii uu Cudurkani weerarka kusoo qaaday waddanka uu mudda dheer ku sugnaa.

“Halgan culus baan ku jirnaa, waayo markii hore cudurka wuxuu joogay gobollada Waqooyiga; laakiin hadda wuxuu usoo gudbay qeybta bartamaha ee ay ku taallo magaalada aan hadda joogno ee Florence iyo xitaa dhinaca Koonfureed”., ayuu BBC u sheegay.

Dhaktarka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: ‘Waa inaan kala dooranno bukaannada, xaaladduna waxay la mid tahay goob uu dagaal ka socdo’

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Fayraska Corona
Cabsi badan ayuu sheegay inay jirto, xilli isbitaalka uu ku sugan yahay ay ku qulqulayaan bukaannada uu ku dhacay Corona.

“Bukaannada marka ay imaanayaan waxay leeyihiin nidaam gooni ah, dhakhtar walba lama kulmi karo, waxaa arkaya dhakhtar loogu talagalay, lagumana dhaweynayo bukaannada kale ee caadiga ah. Waxaan isbitaalkeenna ku sameynnay qeyb gooni ah oo u xilsaaran dadka qaba Corona, 20 sariir ayaa la dhigay, halkaas ayaan ku daryeelnnaa”, ayuu sheegay Dr.

Dadka qaar iyagoo dhimanaya ayaan iska dhaafnaa, annagoo ka door bideyna inaan kuwo kale badbaadinno.

“Cudurkan waa mid aad u xun oo si dhakhso ah u faafaya, dadku meeshan waxay ugu dhimanayaan si xad-dhaaf ah, waxaad arkeysaa qof ay hortaada nafta uga baxeyso. Waxaan gaarnay heer aan dhahno qofka waayeelka ah waan iska dhaafeynaa, qofka dhalinyarada ayaan daweyneynaa. Sababtoo ah kulligood ma wada daaweyn kartid halmar, waa inaad go’aan gaartid, ” ayuu yiri Dr. Fu’aad.

Dhakhaatiirka dalka Talyaaniga ayaa ka wada siman arrintaas, waxayna sheegeen in go’aankaas qalbi jabka ah ay dantu bidday.

Waddankan ayaa ah kan labaad ee ay ku nool yihiin waayeellada ugu badan adduunka, marka laga soo tago kan koowaad oo ah Japan, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Taasi micnaheedu waa in dadka da’da ah ay halis ugu jiraan inay aad u xanuunsadaan marka uu ku dhaco cudurkan.

Talyaaniga ayaa ah waddanka labaad ee uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay cudurkan loo bixiyay Covid-19, marka laga soo tago Shiinaha.

Taliyaaniga ayaa ugu horreeyay liiska dowladaha ugu dhimashada badan ee Corona u dhinta, 24 saacadood ee lasoo dhaafay, waxaa gudaha Taliyaaniga ku geeriyooday 889 xaaladood, waxaa ku xiga Spain oo ay ku dhinteen 832 qof, kadib waxaa kaalinta Saddexaad ku jira Mareykanka oo ay ku dhinteen 453 qof.

Taliyaaniga qofkii ugu horreeyay ee cudurka u dhintaa waxa uu ahaa dhammaadkii February, tirade dadka uu cudurku galaaftay waxey gaareen 10,023 qof, waxa uu ku dhacay 92.472, waxaa xanuunkan ka bogsaday 12,384 qof.

Taariikh nololeedka dhakhtarka

Dr Fu’aad Caamir dhaktar leh khibrad ku dhawaad 40 sano ah.

Wuxuu ka tirsanaa ciidamadii booliska Soomaaliya ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

1973-dii ayuu waxbarashada Caafimaadka ka billaabay waddanka Talyaaniga.

Markii uu soo qalin jabiyay wuxuu dib ugu laabtay Soomaaliya, wuxuuna ka shaqeeyay muddo saddex sano iyo bar ah.

1986-kii wuxuu mar kale dib ugu laabtay Talyaaniga, si uu takhasus uga sameeyo cilmiga dhakhtarnimada.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close