Uncategorized

Oday Taliyaani Ah oo 101 Jir Ah Kana Badbaaday Cudur Horay u Galaaftay 50-milyan oo Qof Ayaa Ka Adkaaday Coronavirus


Warbixinnada ka imaanaya dalka Taliyaaniga ayaa sheegayaan in oday da’diisu tahay 101 sano oo dhashay xilligii dhibaatada cudurkii hargabka Spain oo malaayiin qof ay u dhinteen uu ka adkaaday Coronavirus oo uu ka bogsaday.

Odaygan waayeelka ah oo kasoo jeeda Rominay waqooyi bari Taliyaaniga ayaa waxa uu dhashay sanadkii 1919, xilligaas oo dunida ay la dagaalameysay cudur dilay 50 milyan oo qof.

Waxaa la sheegayaa inuu hadda kasoo baxay isbitaalka kadib markii uu ka mid noqday waayeelka ka guuleystay cudurkan halista ah ee sida gaar ah ay ugu nugul yihiin.

Goloriya Lisi, oo ah ku xigeenka duqa magaalada Rominey, ayaa waxey tiri; odayga aan magaciisa u aqaanno “B” waxa uu kasoo baxay isbitaalka waxaanuu dib ugu laabtay gurigiisa, iyadoo ay jirto in Fayraskani uu yahay mid khatar ku ah si gaar ah dadka waayeelka ah iyo dadka cudurrada kale la dhibaatoonaya.

Warbixinta kasoo baxday mac’hadka waddaniga ah ee Caafimaadka ee dalka Taliyaaniga, 86% dadka cudurka u dhintay waxey ahaayeen bukaan ay da’doodu ka sarreyso 70 sano.

Lisi waxey tiri, oday “B” waxaa la geeyay isbitaalka Isbuucii hore, markii la baaray kadib waxaa la ogaaday inuu qabo COVID-19, laakiin waxa uu ku guuleystay inuu ka bogsado, waa sida lagu sheegay warbixin ay ka diyaarisay wakaaladda ANSA.

Waxey intaa sii raacisay “B” waxwalba wuu soo arkay noloshiisa, waxa uu soo arkay dagaallo, gaajo, xanuun, horumar iyo dhibaato.

Hargabkii Spain ka dillacay waxa uu ku dhacay saddex meelood dadka dunida ku dhaqan, waxaanuu muddo 3 bilood ah ku dilay saddex jibaar dadkii ku dhintay dagaalkii koowaad ee Adduunka, laakiin cudurkaasi 1918 waxa uu dilay ee ugu badnaa da’yar caafimaad qabta oo wax dhibaato ah aan qabin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close