Uncategorized

Wuhan Ayaa Kala Geysay Waxeyse Ku Kulmeen Xarun Dadka Lagu Karantiilo.. Sheeko Jacayl ee Xilliga “Corona”


Isbuucii ugu horreeyay ee bisha February, ayaa Ruushku ay muwaadiniintooda kasoo daad gureeyeen dalka Shiinaha, iyadoo xilligaa dadka uu cudurku ku dhacayo iyo kuwa u dhimanayaa ay sii kordhayeen gudaah Shiinaha.

Ciidanka Ruusha ayaa 140 qof dad ka badan waxey kasoo daad gureeyeen goobaha dhibaatada ugu daran ay ka jirto waxaana lagu karantiilay magaaalada,Tiyoomiin, ee gobolka Saybeyriya ee waqooyiga Ruushka.

Dadka waxaa laga karantiilay dunida kale si loo hubiyo inaaney cudurka qabin, dadkan ayaa baraha bulshada aad u isbitaamalayay si ay asxaabtooda iyo dadkii ay jeclaayeen ula xiriiraan.

Laakiin xiriir cusub ayaa ka dhex abuurmay laba qof oo karantiilka ku wada jiray, waxeyna kala yihiin , Iina Saafinitisiifa iyo Daniyal Barfinofitij.

Sheeko shabbahda tan aftaamta ayaa Saafinitsiifaa iyo Barfinofitij ay labadooduba jiraan 18 sano, xilligii ay sugayeen diyaaradda ciidanka Ruushka oo ay ku sugnaayeen airport ka Wuhan ee dhex bartamaha Shiinaha oo xilligaa ahayd udubdhaxaadka halka uu cudurku ka faafo, ayay is barteen.

Safinitsiifaa waxey ahayd saxafiyad Shiinaha ka howlgaleysay, halka uu Barfinofitij uu halkaa waxbarasho u joogay, si dhakhsiyo ah ayaa labadoodu ay hadal isku dhaafsadeen, waxey ogaadeen dabacadood ay wadaagaan oo ka dhaxeya sida; iney music-ga iyo teknoloojiyadda ay wada xiiseeyaan, halka ay chemistry-ga sidoo kale uu hiwaayadooda ka mid yahay.

Barfiinofitij oo la hadlay jariidada ‘Moscow times’: “Safinetsifa waxaaan ka wada sheekeysannay farshaxanka iyo qorshooyin qurux badan oo dhanka nolosha ah, xilligaa indhaheenna ayaa iftiin ka baxay, garaaca wadnaheenna si isku mid ah ayuu u dhaqaaqayay.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciya in dhakhaatiirta xaruntii ay ku wada jireen ee karantiilka aaney u diidin iney wada kulmaan markii hore, laakiin Safinitsifa oo qabtay cudur kale ayaaney u suurtagelin iney is arkaan maalmihii dambe oo la kala xannibay.

Safinitsifa uma aaney suurtagelin iney la hadasho jariidada “Moscow Times”, sabab ku aaddan xaaladeeda caafimaad, laakiin baaritaannadii lagu sameeyay ayaa la ogaaday inaaney qabin Coronavirus.

Si kastaba, lamaanahan oo si aad ah isku fahmay ayaa waxa u qorsheysan iney si wada jir ah ugu dalxiisaan magaaladii ay ku dhex karantiilnaayeen iyagoo rajeynaya iney nolol qurux badan wada qaataan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close