Uncategorized

Coronavirus Ayuu Kaga Gambaday Meel Aan Qofina Ku Fakarin


Nin Ingiriiska u dhashay ayaa waxa uu u diyaargaroobay musiibo dunida ka dhacda sannooyin ka hor, hadda wuu u aayay oo waxa uu kaga gambaday fayraska Corona oo dunida fara ba’an ku haya.

5tii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxa uu dhistay god dhulka hoostiisa ku yaalla oo uu ugu talogalay inuu gabbaad ka dhigto marka ay dunidu musiibo ka dhacdo, waa sida uu hadda xaalku yahaye, waxa uu ka dhigtay guri yar oo dhexdiisa laga heli karo waxwalba oo lagu madadaalo.

Kolin Foris, sanadkii 2015 ayuu bilaabay inuu gabbaadkan sameysto, waxa uu ka dhistya dhabarka dambe ee gurigiisa beer ku taalla, waxaana uu ku guuleystay inuu ka dhigo sidii inuu yahay guri caadi ah.

Foris, waxa uu guriga dhulka hoostiisa ku yaalla ku diyaarsaday furaash, telefishin iyo qalab kale, waxa uu ku dadaalay inuu dhigto matoor uu korontada ka dhaliyo, isagoo waxwalba kasii taxadaray.

Sidaas oo kale gurigiisu waxa uu leeyahay kushiin gudaha ah oo uu ku xiran yahay mukeyf islamaanka ay taallo qasaalad dharka lagu dhaqdo, waxaanauu kushiinka ka buuxiyay cunnooyin kala duwan oo badankoodu ay yihiin kuwo gasaacadeysan.

Maadama uu goobtan u dhistay inuu gabbaad ka dhigto xilliyada dhibaatooyinka culculs ay jiraan, waxa uu godka dhexdiisa ku diyaarsaday maaskaro gaar ah oo oksijiin leh oo lagu dhex neefsan karo marka ay xaaladdu aad u sii xumaato.

Si kastaba, xaaladda maanta ay adduunyadu ku nooshahay ee faafitaanka Coronavirus, Foris, waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aankii uu gabbaadka ku sameystay, haddana waxa uu u adeegsanayaa inuu kaga gambado Coronavirus oo dunida khatarta ba’an ku haya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close