Uncategorized

Caabuqa Coronavirus iyo Mobileka Smartphone: Sideed u Nadiifin Kartaa Mobile-kaaga oo Khatar Kuu Sababi Kara



Faafitaanka fayraska cusub ayaa khubaradu ay codsanayaa in la qaado tallaabooyin cudurka looga gaashaamankaro oo ay ka mid tahay inaan la taaban waxyaabaha wasakheysan ee jeermisku ku noolaan karo ama uu gabbaad ka dhigan karo, waxaana ka mid ah mobileka smartphone ka oo noqon kara mid aan jeermiska ka qaadno.

Sida lagu ogaadaay cilmibaarisyo dhowr ah oo la sameeyay waxyaabaha ugu jeermiska badan ee aan isticmaalno waxaa ka mid ah mobileka, arrintaas oo keenaysa inaan gacmaheenna mayrno markasta oo aan mobileka isticmaalno.

Laakiin faafintaanka fayraska “Covid-19” kadib, wadada ugu wanaagsan ee aad jeermiska naftaada uga nadiifin karto adigoon iska halleyn, gaar ahaan waqtigan aan ku jirno ee malaayiin qof ay ku khasban yihiin inaaney guryahooda kasoo bixin, si ay uga dhowrsadaan faafitaanka cudurka halista ah ee Covid-19 ee gaalaaftay nolosha 52,000 qof oo si sahlan uu ku dilay.

Shirkadaha teknoloojiyadda ayaa waxey soo gudbinayaan waddooyin mobileka Smartphone ka ah  lagu nadiifiyo; tusaale ahaan shirkadda Apple website-keedu waxa uu sheegayaa iney suurtaggal tahay in mobileka la nadiifiyo adigoo adeegsanya maro jilicsan oo lasoo buufiyay oo jeermiska dili karta.

Halka shirkadda Samsung ay dhankeeda sheegayso in nadiifinta loo isticmaali karto maaddo Alcohol 70% uu ka yahay, adigoo adeegsana gobol maro ah oo mobileka aad ku masaxeysid.

Khubaradan ayaa ka digaya waddooyinka kale ee mobileka loo nadiifiyo ee keeni kara in shaashadda mobileka ay xumaato iyo sidoo kale qalabka gudaha mobileka ku jira ay hallaabaan.

Marka ay gacantaadu taabato gacanka albaabada lagu furo ama gacanta gaari gacanka bagaashka lagu iibiyo ah oo ah goobaha ugu badan ee fayraska laga qaado wadamada dibadda oo aad mobileka taabato, waxaad isla markiiba ku degdegaysaa inaad mobileka nadiifiso waxaa laga yabaa inaad isla markiiba Alcohol ku nadiifiso oo islamarkiiba uu rinjigii ka kaco, halka ay suurtaggal tahay inaad mobileku uu kaa xumaado/hallaabo, waa sida uu sheegay websiteka CNET ee ku takhasusay wararka teknoloojiyadda.

Khubarada ayaa ku talinya inaan mobilka Alcohol oo kaliya Ayaan lagu dhaqin ee alkale iyo biyo la iskugu daro oo 70% ay noqoto Isopropanol, iyadoo loo adeegsanayo gobol maro ah oo jilicsan, kadibna in mobileka aad masaxdo kadib marka aad damiso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close