Uncategorized

Hooyo Uu Ku Dhacay Coronavirus Oo Dhashay Gabar Caafimaad Qabta.. Kadib Dhibaato Ayaa Qabsatay


Saacado kadib markii ay canugteeda yar dhashay, hooyadan uma aaney suurtaggelin iney iska difaacdo fayraska Coronavirus, nolosha ayey faaruqday iyadoo 36 sano jir ah.

Jariidada “Daily Mail” ayaa sheegtay in Galinia uu ku dhacay “Covid-19” oo ay ka soo qaaday xarun caafimaad oo ku taalla magaaalda Efano-Frankifosk ee galbeedka Ukraine.

Galiniya waxey aadday xarun dumarka lagu dhaliylo oo gaar ah  10 Marso, si xaaladeeda loo ogaado, iyadoo xilligaa wax cudur ah aan qabin laguna ogoeyn.

Laakiin 19 cisho kadib booqashadaa  xaaladeeda caafimaad wey xumaatay, waxaana isku aragtay calaamadaha fayraska Corona.

Afhayeen u hadlay maamulka caafimaad maxalliga ah ayaa sheegay: “Waxaa  si xoog ah hoos u dhacay heerka Oksijiinka dhiigeeda, halka heerkulka jirkeeduna uu gaaray 39 darajo.

Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Neefsashada ayaa ku adkeyd, sambabaduna caabuqa ayaa saameyn ku yeeshay, intaa kadib, baaritaankii aan ku sameynnay waxaa lagu ogaaday inuu ku dhacay fayraska Corona.”

Habeennimadii Marso, 29, ahayd ayey dhashay gabar caafimaad qabta oo miisaankeedu yahay 2.5 Kg.

Laakiin, markii ay dhashay kadib ayaa xaaladeedu ay sii xumaatay, arrintaas oo keentay in loo qaado qeybta gurmad degdegga ah, waxaana lagu xiray qalabka lagu neefsado, laakiin arrintaasi waxba uma tarin, way                                                                                                                                                   na dhimatay saacado yar kadib.

Dhakhaatiirtu waxey sheegeen in ilma yar ay caafimaad qabto oo aanuu fayrasku ku dhicin, laakiin dhakhatiirtuutu ay si dhow ula socdaan.

Qaraabada Galina waxey eedeyn dusha uga tureen waaxda caafimaadka, waxey sheegeen inaaney u sameyn waxyaabihii lagama maarmaanka ahaa si caabuqa loo xakameeyo, arrintaas oo keentay in hooyadu ay cudurka qaado una geeriyooto.

Laga soo bilaabo Sabtidii Ukraine waxaa laga diiwaangeliyay 1200 xaaladood ee qaba fayraska Corona, halka ay u geeriyoodeen Covid-19 32 ruux oo sababsaday cudurka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close