Uncategorized

Lamaane Dalka India U Dhashay Oo “Covid” Iyo “Corona” U Bixiyay Mataano Dhawaan u Dhashay


Dhibaatada Corona ayaa jiho kale ka lala aaday dalka India, lamaane ay mataano u dhasheen ayaa waxey u kala bixiyeen “Covid” iyo “Corona”, si loogu xasuusto xaaladda adag ee ay dadku ku jiraan ee cudurka lagula tacaalayo.

Iyadoo ay jirto in dalka India goobo badani xiran yihiin si faafitaanka fayraska loo xakameeyo, ayaa lamaanahani oo kasoo jeeda magaalada Raybo ee dalka India ay dhibaatadani u noqotay mid ku hagta iney magaca ilmahdooda yar ee dhawaan un u dhashay ay u bixiyaan wiilka “Covid” halka gabadhana ay u bixiyeen “Corona”.

Hooyadan oo 27 jir ah  waxey u sheegtay wakaaladda wararka ee PTI in xilligan lagu jiro ay magacayadaa ay u bixiyeen caruurtooda, laakiin ay dhici karto iney xilli dambe ay wax ka bedelaan.

Waxey tiri: “Sida muuqata fayraskani waa mid khatar ah, laakiin faafitaankiisu waxa uu dadka ku baraarujiayay iney nadaafadda ku dadaalaan oo caadooyin wanaagsan ay yeeshaan, waana sababta keentay in magacyadaa lagu fakaro.”

India oo ay ku noolyihiin dad ku dhow 1.4-bilyan oo qof, illaa iyo hadda waxaa caabuqa laga helay 2,567 qof oo la hubo iney caabuqa qaadeen, halka 72 qof ay cudurka u geeriyoodeen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close