Uncategorized

Sheeko Jacayl Oo 50-Sano Jir Ah Oo Coronavirus Uu Kusoo Afmeeray 6 Daqiiqo oo Qura


Sheeko jacayl oo 50 sanno Qaadatay oo Kusoo gabagabowday iney lamaanuhu u geeriyoodaan Coronavirus oo muddo gaaban noloshooda soo afmeeray.

Sheeko jacayl oo muddo 50-sano ah jirtay, oday Mareykan ah iyo xaaskiisa ayaa maalin u wada geeriyoodeen Coronavirus, waxey go’aansadeen iney wada noolaadaan ama ay wada geeriyoodaan, iyadoo ay jirto intii ay noolaayeen inaaney marnaba kala maqnaan maalinna, nolosha ayeyna isku maalin ka faaruqeen.

Sida ay sheegtay jariidada “CNN”, lamaanahan oo kasoo jeeda gobolka Florida ayaa waxey u geeriyoodeen fayraska Corona, bilowgii hore xaaska ayaa u dhimatay, lamaankeedii wey usuurtaggeli weyday inuu nolosha kaligii xamilo, daqiiqado yar kadib wuu raacay oo kama aanuu harin.

Sida ay jariidadani sheegtay Adriyan iyo xaaskiisu waxey ahaayeen kuwo caafimaad wanaagsan ku naaloonaya labo isbuuc ka hor, laakiin calaamadaha fayraska Corona ayaa lagu arkay, kadib waxey goosteen iney naftooda ku karantiilaan gudaha gurigooda iyagoo aan isbitaal aadin si loo daaweeyo.

Waxaa la tilmaamayaa in lamaanahani ay isku waqti dhinteen Axaddii hore, iyagoo geeridoodu ay u dhaxeysay 6 daqiiqo oo qura, waxey ahaayeen lamaane faraxsan oo muddo 50 sanno ah aan marna kala faaruqin, xitaa geerida kuma aaney kala tagin, midna ma aanuu xamilin nolosha kaligii iyadoo oo uu maqan yahay jeexiisa kale.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close