Wararka

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo soo saartay go’aamo la xiriira waxbarashada sanad dugsiyeedka 2019/2020

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aano ku aaddan dhinaca Waxbarashada, Iskuullaadka  oo gabi ahaanba lasoo afmeeray xilli dugsiyeedkan 2019/2020.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay qodobbo ku aaddan waxbarashada dalka, waxa uu sheegay in waxbarashadii sanadkan gebi ahaanba la joojiyay, ardaydana loo qiimeyn doono waxbarashadooda kolba sidii uu dadaalkoodu ahaa inta fasaxa aan la gelin ka hor, halka fasallada 4aad ee dugsiga sare imtixaankoodaa dib laga soo fiirsan doono, xaaladdani la qiimeyn doono, kolba sida uu waqtigu noqdo.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in sidan ay u sameeyeen si looga taxadaro in laga badbaado dhabitaada uu dhalin karo caabuqa Corona oo haddii la fududeysto dhibaato culus sababi kara.

“Waxaad ogtihiin in iskuulaadku ay xirnaayeen, muddo labaatan cisho ah u jeedka ay u xirnaayeen waa in cudurka faafkiisa inta aanuu nasoo gaarinba laga tabaabusheysto, waxa ugu horreeya ee hadda lagula dagaallamo waa in foojingnaanta la xoojiyo kala fogaanta dadkan aad loogu dadaalo”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close