Uncategorized

Jacaylka Oo Corona Ka Awood Badan … Lamaane Taliyaani Ah Oo U Dabbaadegay Sanadguuradoodii 50aad Ee Guurkooda Iyagoo “Ventilator” uu Ku Xiran Yahay


Muuqaal romantic ah, lamaane Taliyaani ah oo uu ku dhacay fayaraska Corona ayaa waxey u dabbaaldegeen sanadguuradoodii 50aad iyagoo ku jira xaalad  oo “ventilator” uu ku xiran yahay, arrintaas oo niyadooda kor u qaadaysa si ay si dhakhsiyo ah ugu bogsadaan cudurka.

Jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda ayaa sheegtay in  Sandara oo 71 jir ah iyo ninkeeda Jankarlo oo 73 jir ah, gacmaha ay is haysteen iyagoo ku jira xaalad adag ventilator-ka lagu neefsado ee Oxygeyn ka laga qaato uu ku xiran yahay.

Qisada ayaa waxey dhacday kadib markii ay kalkaalisada qeybta ay ku jiraan madaxda ka ahayd ay ogaatay iney u qorshaysneyd iney u dabbaaldegaan xafladda guurkooda ee 50aad, kadib ayey dhakhaatiirta la qorsheysay xaflad ay si wadajir ah u abaabuleen.

Fayrayti, ayaa warbaahinta u sheegtay, in hawenayda ay aad u oyday oo ay ka welwelsaneyd xaaladda ninkeeda, iyadoo tilmaantay inuu weli jecel yahay iyadoo ay jirto in mudadaas dheer ay wada noolaayeen.

Xafladda lamaaahan loo dhigay ayaa 10-daqiiqo socotay, dhakhaatiirtu waxey xirnaayeen dharka looga gaashaanto Covid-19, lamaanahan ayey isku hareereeyeen gacmahooda waxey ku tilmaamayeen calaamadda jacaylka.

Warbaahinta ayaa sheegtay in laamanahan markii dambe laga soo saaaray qolka xaaladda degdegga ah ee bukaanka xaaladoodu culus tahay la dhigo, iyadoo la rajeynayo in goor dhow ay isbitaalka ka baxaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close