Uncategorized

5 Calaamadood Oo Kuu Muujinya In Dareenkii Jacaylka Uu Isbedelay Oo Uu Dooneyo Inaad Kala Hadhaan.. Naftiisa Marwalba Waxa Uu Ka Dhigaa Mashquul


Dareyntu waa calaamad ka mid ah calaamadaha jacaylka, iyadoo xilli walba qofka wax jecel uu isku dayayo inuu lamaanihiisa xaaladeeda uu la socdo oo uu taleefoon kala xiriiro, baraha bulshada uu kala jaanqaado, ama meel ay wada joogaan, iyo arrimo kale oo muujinayay iney daneyn jirto. Haddii calamadahaasi la waayo waxey tusineysaa inuu dareenkii isbedelay dhinaca kale arrintaas oo ka dhigan digiin dhanka xiriirka ah iyo inaan xaalku wanaagsaneyn.

Sidaa darteed sadarada soo aaddan waxaan ku eegaynaa calamadaha lagu garto in dareenka lamaanahaaagu uu isbedelay waa sida uu qoray website-ka “Liveabout”.

Calaamdaha muujinaya in dareenka ninku uu isbedelay

  1. Kulama soo xiriirayo

In taloofoonka uu kaala soo xiriir waayo ama farriin uu kuu soo diri waayo waa mid ka mid ah calamadaha ku tusineysa in lamaanahaagu uu dareenkiisa isbedelay, gaar ahaan marka ay caadadiisa ahayed inuu maalin walba kula soo xiriiro oo taleefoonka saacado badan aad ka wada sheekeysataan.

  • Mustaqbalkiinna si wadajir ah ugama warramayo

Marka uu qofku jacayl ku dhaco, waxa uu bilaabaa qorshaha mustaqbalka sida uu lamaaanihiisa ula qorsheyn lahaa, fulinta tallaabooyinkaana wuu bilaabaa, marka uu ka joogsado arrintaa, waxey ku tusuneysaa in dareenkiisu isbedelay, isla markaana uu ku fakarayo inuu xiriirka iska joojiyo.

  • Mashquulkiisa bata

Qofka wax jecel fursad kasta oo soo marta waxa uu uga faa’idaystaa lamaanihiisa si uu ula xiriiro, sidaa darteed; marka uu ka meermeero, waa arrin ku tusineysaa inuu ku fakarayo in xiriirka soo afmeero.

  • Sidii hore uu kuu dhageysan jiray kuuma aha

Qofku waxa uu ku dadaalaa inuu dhageysto qofka uu jecel yahay oo uu arrimo badan oo nolosha gaarka ah ee idinka ka dhaxeysa aad ka wada hadashaan, haddii aad aragto in lamaanahaagu aanuu sidii hore kuu dhageysanayn oo uu iskaaga garab dhaafayo waa calaamad kale oo muujineysa in dareenkiisu uu isbedelay oo uu dooneyo inuu xiriirka soo afmeero.

  • Mar kasta wuu ku dhabar jabiyaa

Marka lamaanahaaga kalsoonida uu kugu qabay ay ka lunto, waxwalba oo uu ka dalbado dhinaca kale aanuu fulineyn, waa arrin ku tusineysa inaanuu daneyn u hayn, arrintaas oo keenaysa iney lagama maarmaan tahay inaad ku fakarto si aad xaaladda dhabta ah u ogaato, oo aad arrintaa kala hadasho iyo mustaqbalka xiriirka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close