Uncategorized

Sweden… Amiirad “Sofia” oo Ku Biirtay Ciidanka Caddaanka ee Safka Hore Dagaalka Lagula Jiro “Coronavirus”


Amiiradda reer Sweden ee Sofia ayaa waxey gashay safka hore dagaalka lagu waajahayo Corona, iyadoo si mutadawacnimo ah ugu biirtay ciidaanka caddaanka ah oo kalkaalisonimo ah ugu biirtay mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla Stockholm.

Wakaaladda France Press ayaa sheegtay in amiirad Sofia ay dhammeystiratay barnaamij tababar ah oo aad u heersarreeya oo ay ka qaadatay dhanka internet-ka oo saddex cisho la siinayay, waa barnaamij ay dad badani ka qeyb yihiin oo shaqaalaha hotellada loogu tababaro si ay waaxda caafimaadka uga qeyb noqdaan, Sofia si mutadawacnimo ah ayay uga mid noqon doonta Isbitaalka Sophia Hement ee magaalada Stockholm.

Margarita Thurgrin oo ah afheyeen u hadashay qasriga boqortooyada, ayaa waxey tiri: “Maadama ay tahay madaxweyne sharafeedka isbitaalka, waxey doontay iney garab ka geysto dhibaatada ay maanta Sweden ku jirto.”

Waxaa xusid mudan, in amiir Sofia oo 35 jir ah ay noqotay xubin ka tirsan qoyska boqortooyo kadib markii ay guursatay sanadkii 2015 Amiir Carl Philip oo ah wiilka uu dhalay Boqor Gustav.

Dalka Sweden ayaa illaa Jumcadii waxaa laga diiwaangeliyay 13,216 qof oo uu la hubo inuu ku dhacay Corona, halka 1,400 ay u geeriyootay, halka khubaro badan ay dhaliilo usoo jeediyeen istiraatiijiyada ay ay Sweden ku waajahaday Covid-19 oo dabacsanaan badani ay ka muuqato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close