Uncategorized

Indonesia oo Waddooyinka Lagu Faafiyay “Dadqalatoonka” Si Dadka Guryaha Loogu Celiyo


Degmo ka tirsan dalka Indonesia ayaa waxey waddo yaab badan u adeegsadeen si dadka loogu hayo guryaha oo aaney uga soo bixin, si aanuu ugu dhex faafin caabuqa Corona fayras iyagoo adeegsadana Ghosts dadka lagu cabsi geliyo.

Degmada, Kabwah, ee dalka Indonesia ayaa waxey noqotay meel Ghosts-ka degaan u ah, noole dhar cad huwan ayaa si lama filaan ah ugu soo boodaysa dadka waddooyinka maraya si loogu cabsi geliyo xilliga habeenkii.

Dalqalatooyinka waddooyinka ku faafsan ayaa ah mid aan dhab ahayn, laakiin dadka lagu cabsi gelinayo, si dadka looga fogeeyo goobaha ay ka qaadi karaan Coronavius si ay guryahooda ugu nagaadaan.

Angar Bankaningitiyas, oo ah hoggaamiyaha koox dhalinyaro ah oo booliska howlgalkan kala shaqeeya ayaa waxa uu yiri si aan bulshad u kala fogeynno, “Waxaan doonnay inaan dadka kale ka duwananaanno, maxaa yeelay (Bokongo) waa mid baqdin badan oo dadka aad uga argagixisa.”

Karno-Sombaadmo oo ah qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters: “Markii Bokong uu soo baxay, waalidka iyo caruurtu guryaha kama soo baxaan, dadku uma kulmaan sidii hore, waddooyinkana kuma arkeysid salaadda cishaa’i kadib.”

Bokongo, waa qeyb ka mid ah dhaqanka Indonesia iyo Malaysia laga aaminsan yahay, waa ruuxda qof dhintay oo ku xayiran kanfantiisa, wejiga ayaa waxaa loosoo mariyaa rinji caddaan ah halka indho aad u madow oo cabsi badan loo sameeyo, dadkuna ay aad uga baqaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close