Uncategorized

Milkiile Makhaayad Dalka Turkiga Ku Taalla Oo Gubay Buugaagtii Deynta ee Macaamiishiisa Oo Lacago Farabadani Ay Ku Qornaayeen


Nin Turkiga u dhashay oo la yiraahdo, Saami Erwal, oo ah maamulaha hotelka ku yaalla Ayfon Qora Xasaarta galbeed, ayaa waxa uu gubiya buugaagta macaamiishiisii uu deynta ku lahaa, waa sida ay faafisay wakaaladda wararka ee Anatolia, Axaddii April 19, 2020.

Erwal waxa uu saxafiyiinta u sheegay inuu gubay 3 buug oo ay ku qornaayeen deymo uu macaamiishiisa ku lahaa ay oo uruurtay muddo 6-sano ah, iyadoo qiimaha deyntaasi ay gaareysay 70-kun oo liiraha Turkiga ah waa lacag u dhiganta 10-kun oo dolar.

Ninkan ayaa sheegay inuu goostay inuu iska cafiyo deyntii uu macaamiishiisa ku lahaa, si uu u taageero ol’olaha uu ku dhawaaqay madaxweyne Erdogan, si loo garab istaago dadka ku dhibaatooday dhaqaale ahaan faafitaanka Coronavirus.

Erwal waxa uu yiri: “Waxaan ka tanaasulay deyntii aan macaamiisheyda ku lahaa, aan isgarabsanno maalmahan adag ee uu marayo Turkiga iyo dunida kale. Maanta wixii ka dambeeya muwaadintiina oo dhan wey imaan karaan maqaayadeyda, qofku haddii uu lacag wato iyo haddii kaleba.”

Marso 30-keedii ayaa madaxweynah Turkiga ee Erdogan uu ku dhawaaqy in uu daahfuray ol’ole lagu taageerayo dadka uu dhibaatada xooggan gaarsiiyay Corona, waxaana uu furay account uu ku shubay 7 bilood oo mushaarkiisa ah si ay muwaadiniintu ugu daydaan.

Ol’olahan ayaa waxaa soo dhaweeyay siyaasiyiin, ganacsato, mu’asasaad badan iyo shirkado ku tartamay tabarucaan sanduuqa oo illaa iyo hadda laga soo uruuriyay lacago aad u farabadan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close