Wararka

Cashar Ku Saabsan Daacadnimada… Ey Muddo 5 Cisho Ah Iridda Isbitaalka Ku Sugayay Ruuxii Iska Lahaa oo Isbitaal La Dhigay

Xilliyada qaar xayawaanka dadjoogta ah waxaa laga helaa oo ay dadka baraan dersi ku saabsan daacadnimada, iyo jacaylka ay u qabaan dadkii xanaaneysatay.

Waana sida dhacday oo Ey uu iska lahaa nin Turki ah uu ka hari waayay gaarigii ambalaasta ahaa ee lagu qaaday, waxaa laga soo qaaday magaalada Bartin ee waqooyiga Turkiga, muddo 5 cisho ah ayuu ku sugayay albaabka hore ee isbitaalka, halka shaqaalihii isbitaalku ay ku dadaaleen iney cunto siiyaan illaa uu saaxiibkii ka caafimaado.

Sida ay faafiyeen warbaahinta maxalliga ah, Ondar Solo, ayaa waxaa la dhigay isbitaalka Bartin, xilligii isbitaalka loo waday ayaa waxaa ka hari waayay ey uu iska lahaa oo soo raacay gaarigii gurmad degdegga ahaa, waxaana uu is keenay isbitaalka, intii uu ninkii ku jiray xaalad degdegga ah ee la daweynayay oo muddo 5 cisho ah xaaladdiisa lala tacaalayay, eygu waxa uu sugayay ninkii iska lahaa oo uu ku sugayay albaabka isbitaalka oo laga dhaqaajin kari waayay.

Shaqaalaha isbitaalka ayaa cunto siinayay, Maxamed Jatin, oo ka mid ah dadkii eyga cuntada siinayay aayaa waxa uu yiri: “Waxaan ogaannay in eyga qof bukaan ah uu isbitaalka uga jiro, beerta isbitaalka kama aanuu dhaqaaqin, waxa uu u baahan yahay Ayaan siineynnay, habeen iyo maalin marnaba meesha kama aanuu dhaqaaqin, waana tusaale wanaagsan , maxaa yeelay; dhaqankiisu waxa uu noo yahay dersi dadka oo dhani ay wax ku qaadan karaan.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close