Uncategorized

Si Aad Farxad Ugu Wada Noolaataan… Talooyin Ku Aaddan Sida Xiriirka Jacaylka Looga Miro Dhaliyo


Waxaa dhici karta in khilaaf uu soo kala dhex galo lamaanaha sanadka koowaad ee guurka, dabeecadaha oo kala duwan ama is fahamdarro soo kala dhex gasha, iyo sababo kale oo xiriirka ku keeni kara dib u dhac. Daraasaadka la sameeyay ayaa lagu ogaaday in furriinka heerkiisa ugu sarreeya uu dhaco sanadka koowaad ee guurka oo inta badan dadka iney is fahmaan ay ku adkaato.

Si hadaba arrinkaa looga fogaado, waxaa muhiim ah in la raaco talooyinka qaar si looga fogaado in si dhakhsiyo ah loo kala tago, waa sida uu sheegay website-ka “familycircle”.

Talooyin ku saabsan guusha xiriirka lamaanaha

  1. Lamaanaha waxaa waajib ku ah iney khaladaadkooda wax ka korsadaan oo aaney soo celcelin, iyo iney ku ballamaan iney nolosha si wadajir ah u waajahaan.
  2. Haweenayda waxaa waajib ku ah iney nafteeda ku dadaasho si ay lamaanaheeda u farxadgeliso, sidaas oo kale ayaa laga rabaa ninka si uu xaaskiisa u raalligeliyo, si aaney caajis ugu dareemin noloshooda.
  3. Adduunka wax dhammeystiran ma jiraan, sidaa darteed; waxaa waajib ah in mid walbaa uu kan kale ku qaato ceebihiisa iyo waddooyinka uu kula dhaqmayo ee uu u arki karo iney yara qallafsan tahay.
  4. Haweeaneyda waxaa laga rabaa iney si wanaagsan u dhageysato mushaakilka maalin laha ah ee ninkeeda, iyo iney si wadajir ah ugu helaan xal ku habboon.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close