Uncategorized

Guddiga Qaran ee Ka Hortagga Covid-19 oo Shaaciyay Xaalado Cusub… Dad uu Cudurku Soo Tiray iyo Kuwo u Geeriyooday

Guddiga Qaran ee ka hortagga COVID-19, ayaa xaqiijiyay in labo ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 62 xaalada cusub oo 44 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay. 18 qofood oo kamid ah bukaannada cusub ayaa haween ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo xubin ka ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale taas oo 10 ruux ka dhigeysa tirada guud ee ka caafimaaday cudurkaan.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 18 ruux.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close