Uncategorized

XFS oo Agab Caafimaad Gaarsiisay Dhuuso-mareeb

Mas’uuliyiin ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xubno ka tirsan guddiga Qaran ee ka hortagga COVID-19, ayaa maanta agab caafimaad gaarsiiyay magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Galmudug.

Agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus, waana maamulkii saddexaad ee agabkan la gaarsiiyo.

Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ay gaarsiisay dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu talogalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close