Uncategorized

XFS oo La Wareegtay Agab Caafimaad oo Turkigu Ugu Deeqay Soomaaliya

Diyaaradda Turkish airline oo sidday deeqdii ugu  horey oo ah agab caafimaad ah oo dowlada Turkiga ay soo gaarsiisay Soomaliya  ayaa waxey soo  Gartay magaalada Muqdisho.

Deeqdan ayaa waxaa gudoomay Wasiirka caafimaadka XFS, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka gargaarka iyo maaraynta miusiibooyin, Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS  iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka gargaarka  XFS  Xamsa Saciid Xamsa  ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay qalabka caafimaad ee dowladda Turkiga ay soo garasiisay dalka maadama uu sameeyn ku yeeshay  cudurka halista ah ee Coronavirus.

Wasiirka  wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Fowsiyo Abiikar Nuur  ayaa sheegtay in qalabkaan caafimaad uu kaalin weyn ka qaadan doono ka hortgida iyo latacaalida  cudurka covid19.

Safiirka Turkiga ufadhiyo Soomalia Maxamed Yilams ayaa dhankiisa  sheegay in dowladda Turkiga ay garabtagantahy Dowladda & Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna ku  amanay dowladda  dadaalka ay kaga horatagayso cudurrkaan.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah  Mudane Axmed Ciise Cawad   ayaa ugu danbeeyntii dowladda Turkiga uga mahadceliyay taagerada  ay garab taagantahay shaabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Dowladda Turkiga ayaa horay u shaacisay in  Soomaaliya ay ugu talagaleen kaalmo caafimaad si ay ugula  tacaasho xaladaha caafimaad iyo in ay xakamayso  fafintaanka Virus-ka Corona.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close