Uncategorized

Soomaaliland oo Laga Xaqiijisay Kiisas Cusub oo “Covid-19” Ah

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa xaqiijisay in kiisas cusub oo Coronavirus ah laga helay deegaannadooda halka sidoo kale ay korortay tirada dadka u geeriyoonaya xanuunka.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Xergeeye oo goor dhow  la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in 11 qof oo hor leh laga helay safmarka COVID-19 waxa uuna intaas ku daray in hal qof oo ka mid ah uu xanuunka u geeriyooday.

Tirada guud ee haatan laga xaqiijiyay deegaannada Soomaaliland ee Coronavirus ayaa ah 34 kiis halka 4 qof ay xanuunka u geeriyoodeen waxaana sida ay wasaaradda caafimaadka xaqiijisay cudurka ka bogsaday 3 qof.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa cudurkaan uu ku dhacay 928 halka ay u geeriyoodeen 44 qof,  waa sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close