Uncategorized

Somaliland Oo Laga Helay (14 Kiis) Oo Cusub Oo “COVID-19”


Soomaaliland ayaa shaacisay in manta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida aadka ah dunida u saameeyay ee COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinteeda maalin laha ah ayaa sheegtay in 14 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 7 ruux, waxaana cudurkan u geeriyootay 6 qof.

Waxaa xusid mudan, in Soomaaliland cudurkan uu ku dhacay dad gaaraya 68 qof oo caabuqa laga helay.

Si kastaba, dalka waxaa xanuunkaan laga helay 1,219 oo qof, waa sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close