Wararka

Somaliland oo Ay Kasoo Kordheen Kiisas Cusub oo “Covid-19” Ah.

Iyada oo lagu guda jiro maalmihii ciidda ayaa xukuumadda Somaliland waxa ay shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida aadka ah dunida u saameeyay ee COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay 35 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 19.

Wasaaradda ayaa sheegat in saacadihii la soo dhaafay xanuunkan uu 1 ruux u geeriyooday taas oo ka dhigeysa in guud ahaan ay cudurka Soomaaliland ugu geeriyoodeen 15 qof.

Guud ahaan Somaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 203 kiis.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close