Uncategorized

Somaliland: Kiisas Cusub Oo “Covid-19” Oo La Xaqiijiyay


Somaliand ayaa maanta oo ah Sabti, 30-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1193 qof.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay  in cudurka COVID-19 laga helay 29 qof,  iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 5 bukaan,  halka 48-dii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux oo dumar ah u geeriyooday caabuqa.

Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Somaliland ayaa ah 33 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 19  ruux.

Guud ahaan Somaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 286 kiis.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close