Uncategorized

Farriin Uu Qoyskiisa Usoo Qoray Askari Mareykan Ah Nus-Qarni Ka Hor oo Dhawaan Qoyskiisa Lasoo Gaarsiiyay


Haweenay daggan gobolka Indiana ee dalka Mareykanka ayaa waxaa soo gaartay farriin uu qoray walaalkeed nus-Qarni ka hor.

Sida uu sheegay webistka “upi”, farrinta ayaa Welyam lasoo gaarsiiyay, waxaa qoray walaalkeed Janis Takar sanadkii 1968, xilli uu u shaqeynayay ciidanka dagaalkii Fitnam 52-sano kadib.

Websiteku Taygar waxa uu kusoo xigtay iney tiri: “Waxaan la xiriiray walaalkey oo hadda ku nool gobolka Karolinada Koonfureed, farriintii ayaan u akhriyay, waxa uu ii sheegay, haa, waan xasuustaa inaan farriintaa kuusoo qoray.”

Dhinaca kale, Luna, waxey hoosta ka xariiqday in farriinta la furay oo ay kusoo gaartay boqshad ka duwan tii markii hore uu walaalkeed kusoo diray.

Jansan, waxey qiyaasaysaa in farrintaasi ay ku soo dhacday gacan saddexaad, laakiin uu isku dayay iney soo gaarto shaqsigii loosoo diray.

Jansan, waxey aad ugu mahadcelisay shaqsigii isku dhibay in farriintaasi ay soo gaarto muddo kadib, iyadoo tilmaantay iney doorbidayso in shaqsiyaddiisa ay si fool ka fool ah u barato, si ay ugu mahadceliso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close