Uncategorized

Maroodiga Iyo Cananaaskii Lagu Soo Rakibay Walxaha Qarxa.. Qofkii Ugu Horreeyay Oo Loo Qabtay Dhacdadan Dunida Gilgishay


Kadib dhacdadii dunida oo dhan gilgishay booliska India ayaa waxay qabteen Jimcihii nin lagu tuhun san yahay inuu ka dambeeyay dilka maroori uur leh oo la siiyay Cananaas walxo qarxa lagu soo qariyay oo afka kaga qarxay.

Sorindara Komar oo ah mas’uulka duurjoogta gobolka Kirala, ayaa sheegay in maroodigan dhadigga ah oo 15 jir ah, ay u suurtageli weyday inuu cunto cuno kadib dhaawiciisa, waxa uu ku dhex dhintay webiga Bal-akad ee ku yaalla koonfurta India May-dii lasoo dhaafay.

Sorindara waxa uu horey u sheegay in “Cananaas uu ka booxo walxo qarxa ayaa afkiisa ku qarxay, arrintaas oo keentay in maroodiga uu soo gaaro dhaawac daran oo markii dambe uu u dhintay.”

Maamulka duurjoogta ayaa ku dhawaaqay iney qabteen qof looga shaki san yahay in dhacdadan uu ka dambeeyay, waxaana lagu bilaabay baaritaan, si loo kala ogaado inuu ugaarsade yahay ama ruux beeraaley ah oo doonayay inuu beertiisa ka ilaashado maroodiga.

Walxaha qarxa ee khudaarta lagu dhex qariyo, sida; canaanaas oo kale, aad ayey ugu shaacsan tahay oo looga yaqaanna gudaha India, gaar ahaan gobollada koonfureed, inta badan se waxaa lagu ugaarsadaa oo lagu dabtaa doofaarka.

Dhimashada maroodiga ayaa waxaa aad uga carooday dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda xayawaanka iyo dadka baraha bulshada adeegsada oo qaarkood ay ku tilmaameen in dhacdadani ay mahadho ku reebtay mid argagax badanna ay ahayd.

Gudaha India 15 sano ee lasoo dhaafay waxaa aad ugu tarmayay Maroodiga oo marka uu gaajoodo soo aada dhanka tuulooyinka dhibaatana u geysta dadka iyo dalagga beeraha oo uu cagta mariyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close