Wararka

Guurso Ama Lacag Bixi.. Caro Ka Dhalatay Soo Jeedin Cashuur Loogu Soo Ragayo Doobka 28 Jirka Gaara Gudaha Dalka Iran.


Tallaabo dood badan ka dhalisay gudaha Iran, ayaa wadaad diimeed caan ah uu soo jeedeediyay in dhalinyarada da’doodu 28 jirka tahay ee doobka ah ay dowladu saarto canshuur culus oo lagu soo rogo.

Hadalka wadaad diimeedkan muxaafidka ah , oo la yiraahdo, Maxamed Idriis, ayaa waxa uu caro ka dhaliyay gudaha Iran. Dadku caradood waxay ku muujinayeen dhanka baraha bulshada oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu warkaasi haystay, waa sida uu sheegay radio -ga “Farda” ee dalka Iran, kaasoo laga soo baahiyo Jeek republic.

Sheikh Idris, qoraalkan oo sida muuqata u socday baarlamaanka Iran, ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyay “In guurku noqdo mid khasab ah. Kuwa aan guursan ee 28 jirka ah waa in ay waajahaan ciqaab adag oo canshuur culus dusha laga saaro.”

Nidaamka dalka Iran ka jira ee uu hormuudka u yahay hoggaamiyaha sare ee  Cali Khumeyni, ayaa aan ka daalin iney dhalinyarada ku booriyaan guurka, iyadoo ay jirto in dhalinyaro farabadan ay guurka ka raageen, sabo dhaqaale iyo xaaladda adag ee dalkaa ka jirta awgeed.

Goobjoog Edu  

Related Articles

Close