Uncategorized

Waxa Uu Ka Yar Yahay 41 Sano.. Hawenay Lixdan Jir Ah Oo Guursatay Wiil Yar Oo Ay U Aqoonsatay Inuu Caruurteeda Ka Mid Noqdo


Haweenay dalka Indonesia kasoo jeedda oo lixdan jir ah ayaa waxay guursatay wiil yar oo labaatan jir ah, sanad ka horna ay goosatay inuu caruurteeda ka mid noqdo, laakiin  dareenkii uu isku bedelay mid jacayl, iyadoo ugu dambeyn go’aan satay iney guursato.

Sida ay qortay jariidada “Mirror” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda, haweenaydan reer Indonesia ee “Mabah Jambaring” oo 65 jir ah, ayaa waxay go’aan satay iney korsato, Ordi Waras oo 24 jir ah, kaas oo ku noolaa gudaha Somatra ee gudaha Indonesia, markii hore waxay dooneysa inuu kaalmeey kadib markii caruurteedii ay kala foofeen mid kastaana uu danihiisa gaarka ah ku mashquulay.

Laakiin si dhekhsiyo ah ayaa dareenkii iskugu bedelay mid jacayl oo laba dhinac ah, waxay u soo bandhigtay iney is guursadaan kama aanuu lababaeyn, waxayna go’aansadeen iney si dhakhsiyo ah u aqal galaan.

Haweenaydan ayaa waxay la xiriirtay caruurteeda waxayna u sheegtay inay dooneyso iney mar labaad guursato, hadalkaas ayay aad ula yaabeen, waxaase kasii darneyd markii ay ogaadeen in hooyadood ay guursaneyso wiilkii yaraa ee ay dooneyso inuu wehelka ka dhigto. Laakiin markii dambe wey aqbaleen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close