Uncategorized

Ciqaab Adag Oo La Marsiiyay Nin Rakaab Ah Oo Diiday Inuu Xirto Afgashiga Looga Gaashanto Coronavirus


Waxa uu diiday inuu u hoggaansamo qodobada fayadhowrka, waxa uu diiday inuu xirto afgashiga Corona looga dhowrsado intii lagu guda jira safar dhanka jawiga ah, kadib shirkaddii waxay gosatay in macmiilkaa safarka laga joojiyo, dhaco noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ka dhacda gudaha dalka Mareykanka.

Ninkan muxaafidka ah oo la yiraahdo, Brondon Istaraka, ayaa waxa uu iska indha tiray dalabka shaqaalaha diyaaradda shirkadda “American Airlines”, waxa uu diiday inuu xidho afgashiga isagoo sarnaa flit ka duulayay airporka Lagardiya ee gudaha New York, Arbacadii hore.

Majiro qaanuun ka soo baxay waaxda cadaaladda oo rakaabka ku khasbaya iney xirtaan afgashiga looga dhowrsado Corona, laakiin shirkadaha duulimaadka ayaa si iskood ah ugu soo ragay rakoobkooda si fayoobi qabka rakaabka looga taxadaro.

Istiraakaa, waxa uu aad ula dooday shaqaalaha diyaaradda si uu iskugu dayo inuu ku qanciyo inaanuu dooneyn inuu xirto afgashiga. Ugu dambeyn waxaa laga joojiyay safarka oo waa laga reebay diyaaradda oo ay saarnaayeen 122 qof, waxa ay ku socdeen airporka Dalas Fort Wooth oo ku yaalla gobolka Taxis.

Sida laga soo xiganayo Fox News, shirkadda oo bayaan soo saartay ayaa waxay tiri: “Waxaan aad u daneynaynaa caafimaadka macaamiisha iyo shaqaalaheenna, waana sababta aan u sameynayno tallaabooyinka ka hortagga ah, gaar ahaan arrinmaha ku saabsan in afka in la xirto inta diyaaradda la saaran yahay. Iyadoo qofka loo ogolaanayo inuu iska furo marka uu cunteynayo ama uu wax cabayo oo kaliya. In kasta oo ay jiraan in sharcigani aanuu saameynayn caruurta iyo dadka aanuu caafimaadkoodu u saamaxeyn  iney afka xirtaan ama ay wejiga dabooshaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close