Uncategorized

Buste Ayey Ku Badbaadiyeen… Dab Ayaa Dhinac Kasta Ka Hareereeyay, Badbaadadiisu Waxay Ku Xineyd Inuu Boodo Oo Kaliya


Muuqaal saameyn badan, howl badbaadin ah ayaa dadkii deriska ahaa ay ku guuleysteen in qof ay geeri ka badbaadiyaan, kadib markii uu ku xayirmay dariishadda gurigiisa oo dab uu ka kacay.

Dhacdadan oo dalka Shiinaha ka dhacday oo ay faafisay jariidada “Al-Shacab” ee xukuumaddu ay leedahay, ayaa laga arkayaa nin dab uu dhan walba ka hareereeyay oo ku xayiran dariishadda gurigiisa, xalka kaliya ee hortiisa yaalla uu yahay inuu dabka ka baxsado.

Deriska ayaa waxaa u suurtagashay iney ninkan badbaadiyaan oo buste weyn ay u dhigaan. Waxay isku bahaysteen dariisha hoosteeda, waxay u fidiyeen buste si uu ugu soo boodo, waxayna goobta ka kaxeeyeen gawaadhi Baarkinka ku jiray.

Markii ay naftiisu ku xasishay inuu badbaadayo, ayaa ku dhiiraday inuu boodo, ugu dambeyn wuu badbaaday.

Muuqaalkan oo aad ugu faafay internetka, ayaa dadku ay aad uga falceliyeen, shaqsi ka mid ah dadkii ka aragti dhiibtay ayaa waxa uu yiri: “Waxay ku dhaqmeen akhlaaqda dagaalyanka fardafuulka ah, dhammantood waxay iskugu yimaaddeen iney qof badbaadiyaan, qofkaa kaligii ayay naftooda u hureen.”

Falcelinnada qaar ayaa dhacdadan ay dadku siyaasadeeyeen oo waxay yiraahdeen: “Fiicnaan lahaydaa iney dadku isku kaashadaan oo ay isku garabsadaan si ay musuqmaasuqa ula dagaallamaan.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close