Uncategorized

30 Sano Oo Guur Ah.. Waxwalba Wey Qeybsadaan.. Xitaa Firinjeerka Guriga u Yaalla


Lamaane da’ ah oo Shiinaha kasoo jeeda, ayaa dood ballaaran ka dhaliyay  internetka maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii la ogaaday iney ku nool yihiin nolol yaab badan, laakiin ay ku faraxsan yihiin, iyadoo ay jirto in 30 sano ay is-qabeen.

Sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah ee gudaha Shiinaha, lamaanahan waayeelka ah waxwalbaa wey u qeybsan yihiin lacagta soo gasha, howsha guriga, raashinka, xitaa firinjeerka, qofna qof kale waxba uma qabto.

Odayga oo la yiraahdo, Tashing, xaaskiiska waxwalba wuu la qeybsadaa xitaa firinjeerka, qof walba alaabtiisa gaarka ah ayaa ugu jirta, sidaas oo kale waxay wadaagaan girgiraha dabka, laakiin qof walbaa cuntadiisa goonni ayuu u karsadaa. Odaygu meel gees ah oo ciriiri ah ayuu guriga ka seexdaa, halka xaaskiisuna ay ku leedahay guriga koone kale oo ay guriga ka seexdaan. Laakiin, arrinta yaabka leh ayaa ah in haddii ay giriga wax ka hallaabaan, labadooda kolba kii dhiniciiisa ay tahay ayaa hagaajiyo; Tusaale; ahaan haddii ay laambadi xumaato, kolba qofka ay dhiniciisa tahay ayaa laga rabaa inuu hagaajiyo oo uu iska xil saaro.

Odaygu waxa uu yiraahdaa: “Jikada ayaan wax ku cunnaa, qofna ma isticmaali karo maacuunta kan kale”, isagoo kaftamaya ayaa waxa uu yiri; “Xilliyada qaar waxay igula murantaa inaan ukun ka xaday.”

Haweenaydan waayeelka ah ayaa waxay sheegtay in waxa ku khasbay iney xaaladdaa ku noolaadaan ay tahay dabeecadda ninkeeda oo ah qof anaani ah oo aan ogoleyn in wax lala qeybsdo, waxwalba isagaa soo iibsada in lala wadaagana ma jecla, ayey tiri.

Waxay tilmaantay, in markii ay xamili kari weyday dhaqankiisa ay goosatay inaaney iyaduna waxba la qeybsan oo iskeed ay isku dabarto.

Arrinta layaabka leh ayaa ah  in Labadooduba ay nidaamkan u khaaska ah ay la qabsadeen oo ay jeclaysanayaan, “Wada-jirkooda waxay ka dhigtay mid xasilloon daggan.”, maxaa yeelay; waxyaabaha guriga dhexdiisa yaalla kuma murmaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close