Uncategorized

Sidey Ku Noqotay “Tinta Cad” Ee Garta Ra’iisul-Wasaaraha Faransiiska Mid Astaan U Ah Corona?


Garka Ra’iisul-wasaaraha Faransiiska Édouard Philippe (Idwaardo Filib), ayaa waxa uu astaan layaab ah u noqday dad badan oo Faransiis ah, intii lagu guda jiray dhibaatada faafitaanka fayraska Corona oo salfaday nolosha dad ka badan 29-kun oo qof oo gudaha Faransiiska ugu geeriyooday cudurka. Sidoo kale cudurkan ayaa ku dhacay dad ka badan 159-kun oo qof oo Faransiis ah.

Garka Ra’iisul-wasaaraha ayaa aad looga daneeyaa gudaha Fransiiska, qeyb ka mid ah garka ayaa intii ay dhibaatadu jirta caddaan isku bedeshay, arrintaas oo dad badan ay u arkaan “iney si dhab ah uga tarjumeyso xaaladda cudurka uu dalka Faransiisku ka marayo.

Dadka waxay si aad ah ula socdaan isbedelka garka Ra’iisul-wasaaraha oo marwalba uu caddaanku kusoo kordhayo. Sababtuna waa in Ra’iisul-wasaaruhu uu si joogta ah warbaahinta uga soo muuqanayay si uu shacabka ula wadaago kolba xaaladda cudurku halka ay mareyso.

Dhanka bidix ee garka ayaa waxaa kasoo dhashay cirro, taas oo sii ballaaratay isbuucyo yar gudaheed, waa intii uu maaraynayay dhibaatada Corona.

Dadka qaar ayaa is-weydiiyay sababta isbedelka cirrada garka Ra’iisul-waasaraha, ma mid la xiriirta da’diisa oo oo hadda sii caga cageynaysa 49, mise waa cadaadis uga imaanaya dhanka Madaxweynaha oo la sheegayo in baryihii dambe uu ku fakarayay inuu xilka ka qaado.

Si ay ahaataba, arrintan ayaa waxay sare u qaadday shacbiyadda Ra’iisul-wasaaraha, halka ay hoos u dhacday shabcibadda madaxweyne Emmanuel Macron.

Warbaahin badanaa waxay isku raacsan yihiin in Macron uu doonayo inuu eryo Ra’iisul-waasirihiisa Filibbe, maadaama ay jiraan khilaafaad labada nin u dhaxeeya oo ku aaddan in ganacsiga xayiraadda laga qaado oo suuqyada la furo, laakiin Filib uu wuu diiday in khilaafkaasi jiro oo madaxweynaha ay isku dhacsan yihiin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close