Uncategorized

Waxay U Aadeen Si Ay Xayawaan U Badbaadiyaan.. Waxayse La Kulmeen Musiibo Bani’aadamnimo


Booliska Mareykanka ayaa, Jimcihii, ku dhawaaqay in saddex qof ay waajahayaan tuhunno farabadan, kadib markii ay boolisku gacanta ku dhigeen ilmo yar oo ku jira shabaq oo ku dhex nool guri nooca guurguura ah, gobolka Tanisi, gurigaas oo sidoo kale laga helay ey, jiir iyo masas.

Ciidanka ayaa goobtan aaday kadib markii uu qof magaciisa qariyay uu soo wargeliyay ciidanka, Khamiistii. Ciidanku markii ay goobta gaareen waxay arkeen xayawaan iyo canugta yar oo kaliya ma aaney helin ee waxay heleen sidoo kale hub iyo mukhaadaraad.

Sarkaal ka tirsan ciidanka oo la yiraahdo Monti Bilito, ayaa warbaahinta u sheegay, iney heleen canug yar oo 18 bilood jir ah, ey iyo 8 mas oo mid ka mid ah dhirirkeesu yahay 10- feet iyo wadaan ay ka buuxaan boqolaal jiir.

Waxa uu intaa sii raaciyay in guriga dhexdiisa ay dhex cararayeen 15 ilaa 20 ey, saxaro, kumanaan baranbaro ah iyo cayayaanno kale.

Guriga dibaddiis waxaa joogay, sida sarkaalkan booliska uu sheegay, tobonaan xaywaan, 86 dooro, 56 ey, 10 bakeyle, 4 boolo-boolo iyo 3 bisadood.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay in 127 gobol oo mukhaadaraadka nooca Maregwana ah iyo 17 qori ay ka heleen.

Haydar Skarbo(42 sano jir ah), Tii Jii Barown (46 sano jir ah) iyo Tajarlas Brown oo (82 jir ah), ayuu sheegay  in ay ku eedaysan yihiin iney ilmo yar ay si xun ula dhaqmeen, xayawaanna ay si khaladan ku korsanayeen . Mukhaadaraad ay sameynayeen, iyo eedeymo kale oo loo haysto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close