Uncategorized

Ilmaha Yar Hooyadii Ayey Murmeen… Markaas Ayay Canugii Yaraa Si Aad U Foolxun Uga Aargoosatay


Muran ka dhashay kala fogaanshiyaha bulshada ee Corona dartii loo soo rogay in lakala dheeraado, ayaa magaalo ka mid ah gobolka Kaliforniya ay haweenay ficil aad u foolxun kula kacday ilmo yar oo naasnuug ah.

Booliska gobolka ayaa sheegay in dhacdadani ay ka dhacday xaafadda Yogortiland, maalmo ka hor, halka haweenayda dhacdadan ku eedaysan ay hortaagneyd ilmaha yar hooyadii.

Booliska ayaa sheegay in baarintaanka koowaad ee ay sameeyeen ay ku ogaadeen in haweenayda ficilka ku kacday ay ka xanaaqday ilmahan yar hooyadii oo isku dayaysay marwalba iney usoo dhawaato, hooyadu kuma aaney dhaqmeyn xeerka kala fogaanshiyaha bushada ee Corona dartii loosoo rogay.

Labadan haween ah ayaa muran uu dhex maray, haweenayda eedaysanaha ah ayaa ficil yaab badan ku kacday, si lama filaan ah ayaa waxay iska furtay af-xirkii ay wadatay, si ula kac ah ayey ilmaha yar ay ugu qufacday labo ilaa saddex jeer. Kadib goobtii ayey si dhakhsiyo ah uga carartay si aan loo aqoonsan, laakiin kaamirooyinka ilaalada ayaa soo qabtay oo ficilkeeda duubayay.

Haweenaydan ayaaney kala caddeyn iney qabtay fayraska Corona iyo in kale, laakiin Qaanuunka Mareyknaku ficilkaa ay ku kacday waxa uu u aqoonsan yahay fal-dambiyeed qofkii gala lagu ciqaabo, baqdin laga qabo inuu fayrasku faafo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close