Uncategorized

Waxa Uu Ka Sare Maray Kylie Janner Iyo Ciristiano Ronaldo… Xiddig Caan Ah Oo Ugu Sare Maray Liiska Dadka Lagacaha Ugu Badan Ka Sameeya “Instagram”


Actorka iyo xiddiga musaaracada Mareykanka ee Dwayne Johnson ee loo yaqaanno naaneysta ah (The Rock), ayaa ugu sare maray liiska dadka caanka ah ee lacagaha ugu badan ka hela barta Instagram.

The Rock, waxa uu kaalinta koowaad ku galay, qoraalla uu bartiisa kusoo daabaco oo lacagaha ugu badan ay kasoo gasho, halkii qoraal waxaa kasoo galeysay Hal-milyan oo dolar sanadkii hore, waana sida laga helayo xogta shirkadda suuqgeynta ee dhanka Baraha Bulshada “Huubar hej Kiyuu”.

Liiskan ayaa waxaa kaalinta labaad soo gashay gabadha dharka xayaysiisa ee Kylie Jenner oo halkii qoraal ee ay barteeda ku faafiso ku hesha 986-kun oo dolar. Halka kaaliinta saddexaad uu ka soo muuqda xiddiga Kubadda Cagta ee Cristiano Ronaldo oo halkii qoraal ee bartiisa Instagram uu ku faafiyo ka hela 889-kun oo dolar.

Si kastaba, sida ay qortay majaladda “Forbes”,  Dwayne Jonson, waxa uu noqoday actorka ugu mushaarka badan Adduunka, sanadkii hore waxaa soo gashay 90-milyan oo dolar, oo ah lacag saafi ah marka laga jaro canshuuraha.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close