Uncategorized

4 Cashar Oo Muhuum Ah Oo Aad Ka Baran Karto Xiriirka Jacayl Ee Kaa Fashilma


Xiriirku jacaylku ma aha tijaabo sahalan, xiriirro badan ayaa lagu fashilmaa arrimo jira awgeed. Laakiin waxaa lagaa rabaa inaad ogaato, tijaabo kasta oo kusoo marta oo aad ku fashilanto, iney hadhow kugu yeelaneyso saameyn wanaagsan oo ay noloshaada ku yeelato oo casharro badan aan ka kororsanno, waxay naga dhigtaa kuwo nolosha ka arka dhinacyo kala duwan oo waayo arag ah. Waxaa muhiim ah inaad hoosta ka baratay oo muhiim u ah noloshaada dambe, waa sida uu qoray websiteka “Lifehacker”.

  1. Jacaylku waa Dulqaad

Waxaa muhiim ah inaad ogaataa raadinta shaqsi dhammeystiran in ay adag tahay. Haddii aad markaa niyaysato inaad marlabaad xiriir sameyso waxaa muhiim ah inaad dulqaad muujiso, waa sifo kugu taageeraysa inaad gaarto halka aad dooneyso ee aad u socoto.

  • Farxadda waxay ka dhalataa jacaylka naftaada

Inta aadan qof kale jeclaan naftaada jeclow, waajib kuguma aha inaad barato sida aad lamaanahaaga u jeclaan karto, waxaase lagaa rabaa oo waajib kugu ah inaad barato sida aad naftaada u jeclaan karto, haddii aad arrintaa ku guuleysato waxaad helaysaa xiriir jacayl oo isku miisaaman.

  • Jacaylku waa xal dhex dhexaad ah

Jacaylka macnihiisu maaha inaad waxyaabo badan ka tanaasusho, jacaylku waa wax is dhaafsi, waa in lamaanahaaga aad siiso waxa uu mudan yahay ee uu kasbado, haddii xilli kasta aad kaligaa tanaasusho waxay lumineysaa macnaha dhabta ah ee jacaylka oo ah wax is dhaafsi.

  • Haddii jacaylku fashilmo macnaheedu maaha inaad tahay qof xun

Haddii aad xiriir ku fashilnto maaha inaad adigu tahay qof xun, xiriirrada noocan ah in la fahmaa ma sahlana, waxaa dhici karta in doorashadaadu ay kaa khaldantay. Waxaa kugu waajib ah inaad ku socoto wadada aad ku raadineyso lamaane kuu qalma.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close