Uncategorized

Duqa Magaalo Ku Taalla Dalka Indonesia Oo Lugaha Qabsatay Dhakhtar.. Kadib Markii Ay Ku Fashilantay Iney Hakiso COVID-19

Tari Tirismahiriini, oo ah duqa magaalada Sorabaaya ee dalka Indonesia ayaa dhakhaatiir ku ag ooyaday oo lugaha qabsatay, iyadoo ka codsanaysa iney saamaxaan kadib markii ay ku fashilantay iney joojiso faafitaanka fayraska Corona oo magaalada si aad ah ugu faafay.

Haweenaydan ayaa dhakhaatiirtii goobta joogtay ka codsatay iney saamaxaan kadib markii ay ku adkaatay iney hakiso faafitaanka fayraska ee magaalada.

Muuqaalka ayaa laga arkayaa iyadoo dhakhaatiirta ku hor ooyaysa, kadib markii dhakhtarka cudurada sambabka ee isbitaalku uu u sheegay in isbitaalka ay ka buuxaan bukaanno qaba COVID-19.

Dhakhtarka ayaa sidoo kale duqa magaalda u sheegay in dad badani aaney ku baraarugsaneyn, baratakoolka caafimaad ee lagama maarmaanka ah, si loo horjoogsado inuu cudurku ku faafo magaalada.

Magaalada Sorabaaya ee dalka Indonesia ayaa waxaa si aad ah ugu faafaya fayraska Corona, waxaa ku nool kala bar dadka cudurka qaba ee Indonesia ku dhaqan.

Haweenaydan ayaa codsatay inaan la eedayn golaha magaalada, maadama ay caqabado badan waajaheen, waxwalba oo karaankooda ahna ay sameeyeen si ay fayraska u xakameeyaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close