Uncategorized

Daraasad Cusub oo Da’yarta Kurayda Ah Uga Digeysa Iney Yaraan “Jacayl” Ku Qaadaan


Dhalinyaro badan waxay jecel yihiin iney ku degdegaan xiriir jacayl, laakiin daraasad cusub ayaa uga digaysa da’yarta iney sameeyaan xiriir romantic ah, saameynta aan wanagsaneyn ee naftooda ay ku yeelaneyso mustaqbalka.

Daraasaddan oo uu faafiyay website-ka ABC, ee dalka Mareykanka kasoo baxa, ayaa lagu ogaaday in ardayda aan xiriirka jacayl ku jirin ay leeyihiin xirfado bulsho oo aad u sarreeya, asaagoodna ay ka murugo yar yihiin.

Daraasaddan oo ahayd mid sahan ah ayaa waxaa lagu wareystay 594 arday oo galaaska 10aad dhigta, iyadoo natiijada kasoo baxday ay noqotay mid ardayda aan xiriirka jacayl ku jirin; ay heleen darajo ka sarreysa asaagooda ku mashquulsanaa xiriirka jacayl; halka sidoo kale xirfadahooda bulsho iyo midda hoggaamineed ay ka wanaagsaneyd.

Sidaas oo kale, daraasaddan ayaa lagu soo ogaaday in ardayda aan xiriirka jacayl ku jirin ay murugadoodu aad u yar tahay, marka loo barbardhigo asaagooda xiriirka jacayl ku jira. Dr. Lorin Killi, oo ka mid ah cilmibaarayaashii daraasadda ayaa sheegay in daraasaddan ay baqdin gelineyso xiriirrada dhalinyarada kurayda ah ay sameeyaan oo ka dhigaya kuwo murugo badan, halka xiriirkaasi sidoo kale uu sababi karo mashaakil bata oo ku riixda iney mukhaadaraad isticmaalaan.

Daraasaddan ayaa carrabka ku adkeynaysa in dhalinyarada kurayda ah ee yaraantooda aan wax xiriir jacayl ah sameyn ay hadhow ka fursado iyo xiriir wanaagsanaadaan asaaagooda xillli hore xiriir jacayl sameeya.

Sidoo kale, tijaabooyinka tirada badan ee aan fiicneyn ee dhanka xiriirka iyo jacaylka ah waxa uu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshaa xiriirka mustaqbalka, arrintaas oo saadaalineysa xiriirro aan wanaagsaneyn oo mustaqbalka ay dhalinyaradaasi waajahaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close