UncategorizedWararka

Afgashi Looga Dhowrsado Corona Oo Qiimihiisu Yahay 4-Kun Oo Dolar!


Ganacsade dalka India u dhashay ayaa waxa uu sameystay afgashi qiimihiisa lagu qiyaasay 4 kun oo dolar, si uu uga dhowrsado faysarka Corona oo si xoog ah ugu faafaya dalka India.

Ganacsadahan, Shankar Korhadi, oo kasoo jeeda magaalada Bona ee Galbeedka India, ayaa tilmaamay in Afgashigani uu ka sameysan yahay labo Awqiyo oo Dahab ah(60 garaam), waxaana lagu sameeyay muddo 8 cisho ah si gaar ah loo sameynayay.

Shankar ayaa wakaaladda France Press u sheegay in Afgashigan uu yahay mid si wanaagsan loo sameeyay isla markaana leh dulduleelo uu ka neefsan karo.

Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Ma hubo in uu fayraska Corona iga difiaaci karo iyo in kale, laakiin ka hortagyo kale ayaan sameeyaa.”

Waxa uu tilmaamay ganacsadahan oo (49) jir ah inuu jecel yahay inuu Dahabka isku qurxiyo marka uu guriga ka baxayo, isagoo soo xita silsilado iyo faraantiyo ku xardhan faraha Ganactiisa Midig.

Ganacsadahani waxa uu wakaaladda u sheegay: “Dadku sawirro ayay ila galaan. Waxay aad ula dhacsan yihiin afgashiga Dahabka ah marka aan suuqa joogo.”

Xukuumadda India ayaa dadkeeda kusoo rogay iney xirtaan Afgashi marka ay soo aadayaan suuqyada iyo goobaha ay dadku iskugu yimaaddan. Dalkaas illaa iyo hadda waxaa cudurka qaaday 650-kun oo qof, waxaana cudurka u dhintay 18,600 oo qof.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close