UncategorizedWararka

Jacaylka Waqtiga Corona… Guri Fadhiga Lamaanaha Oo Sababa “Jacayl Qabatin” .. . Wax Ka Ogow Astaamaha Lagu Garto


Dhibaatada Corona waxay la kowsatay lamaanayaal badan oo ay noloshu u cusub tahay oo ku khasban iney muddo dheer guriga wada joogaan. In bannaanka la aadi kari waayo muddo dheer waxay keeni kartaa in lamaanaha uu ku dhaco Jacayl Qabatin isku bedela nooc aan wanaagsaneyn. Jacaylka noocan ah ayaa saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesha nolosha lamaanaha, waa sida lagu sheegay warbixin uu faafiyay websiteka “Insider”.

Calaamadaha lagu garto jacayl qabatinka

  1. In mar walba uu ku hayo welwel in lamaanahaaga is weydaan.

Dadka Qabatima jacaylka, marwalba waxay dareemaan welwel, ma  jecla in lamaanahooda ay daqiiqadna uu ka faaruqo, kadib markii ay muddo dheer la qabsadeen, sidaa darteed; dadka jacayl Qabatinku ku dhaco welwel badan iyo baqdin joogta ah ayey ku noolyihiin.

  • In si joogto ah aad lamaanahaaga uga fakarayso

Noocan jacaylka ah qofka xilli kasta waxaa caqligiisa ku taagan lamaanihiisa, arrintu waxay gaarsiinsan tahay inuu lamaanihiisa fiiro gaar ah u yeesho; cidda uu la mucaamilayo, mobilekiisa si gaar ah uu u xakameeyo cidda la soo hadleysa uu dhagta u taago, arrintu waxay gaari kartaa in lamaanaha loo hanjabo marka uu ku fakaro in la kala tago.

  • Lamaanahaagu waxa uu noqonayaan isha farxadda

Qofka jacayl qabatinku ku dhaco farxaddiisa iyo murugadiisa waxay ku xiran tahay lamaanihiisa oo qura, isagaas ayuu ku tiirsan yahay dhan walba. Lama diidana inaad lamaanahaaga si aad ah u jeclaato, laakiin haddii ay wax isbedelaan noloshaada ayay khatar ku tahay.

  • In lamaanahaagu uu noqdo sheyga kaliya ee ay tahay in dartii loo noolaado

Marka la eego tiirarka jacaylka Qabatinka in lamaanaha lagu tiirsanaado dhan walba, in laka dhaqaaqo waa mustaxiil iyo arrin aan la gaari kari. Qofka jacayl qabatinku ku dhaco lamaanahisiisa waxa uu aaminsan yahay inuu yahay qofka kaliya ee ay tahay in nafta loo huro.

Si kastaba, jacayl Qabatinku uma wanaagsana qofka naftiisa iyo  noloshiisa khatar ayuu ku yahay, marka ay wax isbedelaan qofkaas oo  kale nolosha inuu xamilaa wey adag tahay. Markaa waxaa lagama maarmaan ah in shey kastaa aan dhex dhexaad ka qaadanno oo jacaylkeennu uu noqdo mid aan xadkiis dhaafsaneyn oo macquul ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close