Uncategorized

Lamaane Ingiriiska U Dhashay Oo Ku Guuleystay (105) Milyan Oo Gini.. Sidii La Filayay Si Ka Duwan Xaalkoodii Waxba Iskama Bedelin


Dadbadan waxay ku fakaraan iney hanti badan sameeyaan si ay noloshooda wax uga bedelaan, nolol raaxa leh oo aan horey usoo marin. Wadada ay arrintaa u maraan waa dadaal, shaqo iyo naftooda oo ay horumariyaan. Wadada kale ee hantida lagu helaa waa inaad tahay qof nasiib badan oo bakhtiyaa nasiib ku guuleysta arrintaas oo kaa dhigi karta inaad ku biirto naadiga dadka hantiilayaasha ah.

Hadaba, lamaane dalka Ingiriiska u dhashay ayaa ku guuleystay abaalmarin weyn oo lagu qiyaasay 105-milyan oo gini oo ay ku guuleystay 7 bilood ka hor. Laakiin sidii la filay si ka duwan abaalmarinta ay ku guuleysteen waxba xaaladooda kama bedelin xaaladooda, iyadoo arrintaasi ay lama filaan ku noqotay saaxiibbada qoyskan, Istiifan Dhomsoon, oo 42 jir ah, iyo xaaskiisa oo 41 jir ah, ayaa waxay ku noolyihin guri yar oo saddexdooda caruurta ah ay la daggan yihiin, iyadoo ay jirto iney ka mid noqdeen dadka taajiriinta ah ee hantida faraha badan leh.

Nolosha Istiifan waxba iska bedelin, waxa uu iibsaday gaari celis ah, halka xaaskiisu ay gadatay gaari raqiis ah. Qaar ka mid ah saaxiibada qoyskan ayaa aad ula yaabban in qoyskani aanuu degin guri weyn oo gaar u ah, maadama kurayda yar ee ay dhaleen ay qol ciriiri ah ay wada seexdaan, waa sida ay qortay jariidada “The Sun” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda.

Qoyskan qof qaraabo la ah ayaa sheegay iney ku fakrayeen iney dagaan guri weyn oo ku yaalla magaalada ay kasoo jeedaan ee Selsii ee ku taalla West Saskis, laakiin fayraska Corona iyo duruufta dhaqaale xirxirka ayaa dib u dhigtay tallaabadaas. Istiif iyadoo ay jirto inuu abaalmarin weyn ku guuleystay ayaa weli uu kasii shaqeynayay shaqadiisa oo dhanka dhismaha la xiriirta, in kastoo markii dambe uu shaqada iskaga tagay kadib markii uu dhammeystiray howlo laga sugayay oo markii hore heshiis lagula galay. 

Goobjoog Edu                                                                    

Related Articles

Close