Wararka

Corona Dartii…Dhibaatada Haysata Dalxiise 110 Maalmood Ku Xayiran Airport Oo Si Weyn Dunida Looga Hadal Hayo


Safarradii duulimaadyada oo joogsaday darteed, kadib faafitaankii fayraska Corona, ayaa waddo walba ay ka xirantay nin reer Istooniya ah oo la yiraahdo, Roman Trofimof, oo weli ku xayiran Airport-ka Manilla muddo ka badan 100 maalmood.

Roman, waxa uu ku sogan yahay goobta laga dhoofo ee airport-ka Manilla ee dalka Filibbiin, laga soo bilaabo markii uu halkaa gaaray; isagoo saaran diyaarad ka timid Bankog, Taylan, 20 Marso. Waa sida ay sheegtay jariidada The Sun ee kasoo baxda dalka Ingiriiska.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Estonia, ayaa sheegtay in Tarofimof uu yiri, waxaan ahaa safar; waxaan kusii jeeday wadamada Koonfur-beri  Asia, inta aaney diyaaraddu cagta soo dhigin airportka Manilla, waxaa possportka laga iga qaaday inta aanan gaarin qeybta socdaalka.

Shirkaddii duulimaadka ee soo qaadday uma aaney suurtaggelin iney dib ugu celiso Tayland, xayiraadaha lagu soo rogay diyaaradaha darteed ee aaney diyaaradin safar geli Karin, arrintaas oo ku khasabtay inuu ku sugnaado qol ka mid ah qololka airportka.

 7 July ayaa Tarofimof ay u noqotay 110 cisho oo uu airportka ku sugnaa, waxa uu ku noolyahay nolol dhib badan oo fowdo iyo welwel badan leh.

Tarofimof, waxa uu naftiisa ku tilmaamay inuu yahay sidii qof xabsi ku jira oo kale, waxa uu leeyahay: “Waxaan u baahanahay inaad i caawisaan, si aan dhibaatada uga baxo.”, isagoo tilmaamaya iney ahayd inuu Bankog dib ugu laabto oo tigidkiisa ay ku qorneyd in 2 April in uu dib u laabto.

Waxa uu tilmaamay inuu safaaraddiisa ka socday iney wax la qabtaan, laakiin ay u suurtaggeli la’adahay iney la abaabulaan safar uu dalkiisa dib ugu laabanayo. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay; “Caafimaadkeygu wuu sii xumaanayaa, cunto xumo iyo qorrax la’aan ayaa i haysata, hawo nadiif ahna ma haysto.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close